4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 30, 2014
Dagaal khasaare Nafeed Sababay oo Maanta ka Dhacay Degmada Afgooye

Axad, Maarso 30, 2014 (HOL) — Iska-horimaad khasaare nafeed geystay ayaa maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, kaasoo u dhexeeyay laba ciidan oo kawada tirsan dowladda Soomaaliya.

Saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhintay iska-horimaadka, shan kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray, waxaana ciidamada dirirtu dhexmartay ay ilaalo u kala ahaayeen taliyaha nabadgalyada degmada Afgooye oo magaciisa lagu soo koobay Sheegow iyo madaxa samafalka degmada C/llaahi Magan.

Dagaalka ayaa ka dhacay nawaaxiga warshaddii yaanyada ee ITOP, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha soo kala gaaray ciidamada uu dagaalku u dhexeeyay, iyadoo la sheegay in dagaalku uu ahaa mid daba socday dagaal habeen ka hor ciidamadan ku dhexmaray nawaaxiga degmada Afgooye.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in xiisadda u dhexeysa labadan mas’uul si weyn looga dareemayay gudaha degmada dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, iyadoo wararku ay intaas ku darayaan in xiisaddu ay ka billaabatay hub ay ciidamada ilaalada u ah sarkaalka milateriga ka qaadeen ilaalada Cabdullaahi Magan.

Ma jiro hadal kasoo baxay mas’uuliyiinta ay ciidamadoodu ku dagaalmeen maanta gudaha degmada Afgooye, inkastoo dagaalku uu istaagay haddana waxaa weli laga darmeeyaa degmada xiisad.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Afgooye, Mahdi Axmed Xasan oo warbaahintu ay wax ka weydiisay isku-dhaca khasaaraha geystay ee Afgooye ka dhacay maanta ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo.

Inta badan degmooyinka ay maamulaan ciidamada dowladda Somalia ayaa waxaa ka dhaca iska-horimaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaas kuwada sugan, iyadoo aanay jirin wax laga qabtay arrintan.

Degmada Afgooye oo 30-km dhinaca Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxay ka mid ahay degmooyinkii ay Al-shabaab kala wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM saddex sano ka hor.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya