4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 30, 2014
Wasiirka Maaliyadda oo Baarlamaanka u Sharraxay Miisaaniyadda 2014-ka

Axad, Maarso 30, 2014 (HOL) — Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Xuseen Cabdi Xalane ayaa maanta hor-tagay xildhibaannada baarlamaanka, isagoo sharraxaad ka bixiyay habka ay u soo diyaariyeen miisaaniyadda sannadkan 2014, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka uu sheegay in miisaaniyadda dalka lagu diyaariyo shilling Soomaaliga oo aan loo baahnayn doollarka.

Xalane ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay qayb ka ahayd sida ay miisaaniyada wasaaraddiisu u soo diyaarisay miisaaniyadda, isagoo xusay in sannadkan ay aad u badan tahay miisaaniyaddu sannadkii ka horreeyay ee 2013-ka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in miisaaniyaddii sannadkii hore ee xukuumaddii saacid ay soo diyaarisay ay ahayd 117-milyan oo doollar, balse miisaaniyadda sannadkan ay tahay 218-milyan oo doollar, isagoo xusay in howlo aad uga badan howlihii hore la doonayo in sannadkan xukuumaddu qabato.

Intaas kaddib, guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ka hadlay kulanka ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in wixii ka dambeeya sannadkan miisaaniyadda lagu soo diyaariyo shilling Soomaaliga oo aan loo baahnayn in doollar lagu soo diyaariyo.

“Dalka waa Soomaaliya, lacagtiisana waa shillin, marka waxaa loo baahan yahay in loosoo gudbiyo baarlamaanka miisaaaniyad ku fadhida shillin Soomaaliga, haddii la doono waxaa la dhihi karaa u dhiganta intaas oo doollar. In miisaaniyadda lagu soo diyaariyo doollar baarlamaanku wuu dhibsaday, waana in fiiro gaar ah loo yeesho,” ayuu yiri Jawaari.

Jawaari ayaa sidoo kale xusay inuu u mahadcelinayo shaqaalaha Soomaalida ee ay ka mid yihiin kuwa dhagaxa jabiya oo aan ogoleyn inay qaataan doollar ee howsha ay qabanayaan ku saleeya shillinka Soomaaliga.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrintan ay kala hadli doonaan howlwadeennada ku shuqulka leh diyaarinta miisaaniyadda iyo bankiga dhexe, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo laga dalbado wasaaradda maaliyadda inay miisaaniyadda kusoo diyaariso shillin Soomaali.

Xukuumadihii soo maray Soomaaliya ayaa waxay inta badan miisaaniyadda kusoo diyaarin jireen diyarin doollarka, iyadoo aysan jirin xukuumad miisaaniyadeeda ku diyaarisay shillin Soomaali.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa shalay loo qaybiyay miisaaniyadda sannadkan ee ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyadda, iyagoo soo akhrisan doona 24-saac ayna markaas kaddib ka doodaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya