4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 30, 2014
Tirada Dadka ku Barakacay Colaadaha Gobollada Soomaaliya oo la Shaaciyay

Axad, Maarso 30, 2014 (HOL) — Hay’adda UNCHR ayaa shaacisay tirade dadkii ku bara-kacay dagaallada ka socda gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ee u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa ka socda Midowga Afrika ee AMISOM.

UNHCR ayaa sheegtay in 12,000 oo qof ay ku barakaceen colaadaha ka socda qaar ka mid ah gobollada Soomaaliya, kuwaasoo ku noolaa deegaannadii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab.

Dadkan ayaa la sheegay in 2,200 oo ka mid ah ay ka barakaceen degmada Xudur oo ah xarunta gobolka Bakool, sidoo kalena 1,200 oo qof ay ka barakaceen Waajid oo ka mid ah degmooyinka Al-shabaab laga qabsaday ee ku yaalla gobolka Bakool.

Sidoo kale, 720 qof oo dadkan ka mid ah ay la sheegay inay ka barakaceen halka lagu magacaabo Ra-dhuurre. Waxaana hay’adaha Qaramada Midoobay ay sheegeen in dadkaas aysan haysan biyo nadiif ah oo ay cabaan iyo raashin ku filan.

Gobolka Bay ayaa la sheegay  in 6,800 oo qof gaareen degmada Baydhabo, kuwaas oo ka yimid degmooyinka Xudur, Waajid iyo qaybo ka mid ah gobollada Bakool iyo Bay, iyadoo dadkaan ay gargaar aad u yar heleen.

Gobolka Gedo ayaa la sheegay inay gaareen 2,000 oo qof oo ka barakacay Waajid, Xudur iyo Buur-dhuubo, dadkaas oo la sheegay in iyagana la siiyay gargaar yar oo aan ku filnayn, sida biyo nadiif ah.

Barakacayaasha ayaa qaarkood waxay soo gaareen Muqdisho, kuwasoo intooda badan ka yimid gobolka Shabeellada Hoose, waxaana mar ay warbaahinta uga war-bixiyeen safarkooda ay sheegeen inay dhibaato xooggan soo mareen.

Wiil yar ayaa sheegay in dhowr maalmood uusan waxba cunin, sidoo kalena uusan helin wax biyo ah, waxaana dadkaas ka mid ahayd hooyo kusoo umushay inta u dhexeysa Muqdisho iyo degmada Qoryooley oo ay kasoo barkaceen, ayna dhowr maalmood socod kusoo jireen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya