4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 3 , 2014
Somaliland oo lagu soo gabagabeeyay wacyi-gelinta wax-soo-saarka


Isniin, Maarso 03, 2014 (HOL) — Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cadiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qaybgallay Munaasibad balaadhan oo lagu soo gabogabaynayey toddobaadka ololaha wax soo saarka iyo isticmaalka Cuntadda dalka ka soo baxda oo lagu qabtay magaaladda Hargeysa.

Madaxa hay'adda IFAD Mr   Neol Harris iyo madaxa Hay’adda FOA ee Somaliland ayaa si weyn usoo dhoweeyey barnaamijkan la magac baxay toddobaadka sugidda cuntadda Somaliland, waxaanay sheegeen inay qaybqaataan barnaamijka lagu horumarinayo cuntada iyo wax soo saarka dhaqaalaha Somaliland.

Wasiirka Kaluumaysiga Cali Jaamac, wasiirka xanaanada xoolaha Dr Cabdi Awdaahir Cali, wasiirka Biyaha Xuseen Axmed Cabdalle iyo wasiirka Qorsheynta Qaranka, ayaa dhamaantood si wada jir ah uga qaybqaatay ololaha dadweynaha lagu wacyigelinayo isticmaalka wax soo saarka dalka, waxaanu xusay in danta laga leeyahay barnaamijkani uu yahay in la helo cunto dalka ku filan iyo biyo nadiifa.

"Waa toddobaad aynu is xasuusinayno in aynaan haysan cunto iyo Biyo inagu filan, hadii biyo la helo cuno iyo caanaba waa la heli balse su'aashu waxay tahay sideebaynu kula soo baxnaa”ayuu yidhi wasiirka Xanaanadda xoolaha Cabdi Aw Daahir.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Wuxuu intaas ku daray: “Wasaaradda xanaanadda xooluhu waxay sanadkiiba soo saartaa  shan boqol oo kun  oo Million oo Doolar balse intiiba waxay dib ugu cunaa qaadka ee sideebaynu arrintaa ku xalinaa, waxaan odhan lahaa maalin galinkeed uun qaadka mayska joojinaa?”

Sidoo kale, wasiirka wasaaradda Beeraha Professor Faarax Cilmi Geedoole oo isaguna xafladda ka hadlay, ayaa sheegay in dadku inta badan ay imika beertaan hadhuudhka iyo digirta, taasina ay tahay siyaasadda dawladda ay u hagayso dadweynaheedda inay wax soo saar yeeshaan.

"Nin baa hal miis oo kaliya maanta soo dhigay 42 nooc oo kala duwan oo cuntada dalkeena laga soo saaro ah, waxa jiray beeralay shaqaalaysiiyey 5 inan oo ka soo baxay kuuliyadda Beeraha " ayuu yidhi Pro Geedoole wasiirka Beeraha oo amaanay dad beeray cuntooyin kala duwan oo shaqaalaysiiyey arday ka soo baxday jaamacadaha dalka.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo gabagabadii xafladdaasi ka hadlay, ayaa ku dheeraaday inay dadku jiifka ka toosaan oo ay wax soo saarka xagga beeraha ah u jeestaan.

"Ganacsatadeenu  maba yaqaaniin inay xoolaha dhaqashadoodu tahay ganacsi fiican oo lacag badan laga heli karo balse waxay ku mashquulsan yihiin Baastada iyo Bariiska kaliya" ayuu yidhi Mr Saylici.

"Nin baa yiri Somalidu waa Bisadda oo kale waayo waxay u jeceshay inay kaluunka cunto kaluunkuna waxa uu ku dhex jiraa waxay ugu necebtahay oo ah biyaha, Somaliduna waa sidaas oo kale oo waxna ma tabcadaan inay raaxaystaana way doonayaan" ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mr Saylici, waxaanu intaas ku daray  "Xayawaanka kale oo dhami waxa uu dhistaa gurigii uu gali lahaa balse Bisaddu waxba ma dhisato laakiin waxay jeceshay inay ku seexato meel quruxbadan iyo sariir uu qof gogladay Somaliduna waa sidaas oo kale mana shaqaysanayaan inay meel fiican ku noolaadaana ay jecelyihiin".

Si kastaba ha ahaatee, waxa maanta la soo gabogabeeyey toddobaadka sugidda cuntadda Somaliland oo maalmihii u dambeeyey dadweynaha lagu wacyigalinayey inay isticmaalaan cuntadooda iyo wax soo saarkoodda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland