4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 3 , 2014
Safiirka Ruushka ee Somalia oo laga gudoomay Aqoonsiga safiirnimo


Isniin, Maarso 03, 2014 (HOL) — Maddaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Ruushka u fariisan doona Soomaaliya, Mr. Valery Orlov.

Safiirka cusub  ayaa uga mahad-celiyay madaxwyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadahiisa aqoonsiga safiirnimo., iyadoo danijrahan uu noqonay kii ugu horreeyay oo Ruushku u soo diraan Soomaaliya wixii ka dambeeyay burburkii ku dhacay Soomaaliya 23-sano ka hor.

"Dowladda Ruushka aad ayay ugu faraxsantahay in maanta xiriirkii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya iyo Ruushka uu dib u billowdo. Dowladda Ruushka waxay diyaar u tahay inay ka qayb-qaadato dib u dhiska dalka," ayuu yiri safiirka Ruusha.

Madaxweynaha Somalia oo isna hadlay ayaa yiri: "Waxaan uga mahad-celinayaa dalka Ruushka inay safiir u soo diraan Somalia, waana ku faraxsanahay in Ruushka uu dowladda Soomaaliya kala shaqeeyo sidii Soomaaliya dib loogu dhisi lahaa, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay heli doonaan fursado shaqo ama tababaro ama deeq waxbarasho.”

Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in calaamku ay kalsooni ku qabaan in Somalia ay cagaheeda isku taagto, isla markaana ay Soomaaliya u gudbay marxalad tii hore ka duwan oo dhinaca horumarka ah.

Ugu dambeyn, madaxweyanaha Somalia ayaa u ballan-qaaday danjiraha dalka Ruushka in dowladdiisu ay si hagar la'aan ah ula shaqeyn doonto si uu u guto xilkiisa loosoo igmaday.







Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya