4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 3 , 2014
Dowladda oo Taageertay Mid ka mid ah Shirarka ka socda Baydhabo


Isniin, Maarso 03, 2014 (HOL) — Dowladda federaalka Somalia ayaa caddeysay maanta mowqifkeeda ku aaddan shirarka ka socda magaalada Baydhabo ee lagu dhisayo maamullo goboleedyo iska soo horjeeda.

Warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay taageerayso shirk aka socda hoteel ee lagu dhisayo maamulka ka kooban saddexda gobol.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaalia ay u xilsaaran tahay  hir-gelinta  iyo  taabbo-gelinta  federaalaynta  dalka si waafaqsan dastuurka iyo  shuruucda maamul-u-samaynta gobollada iyo degmooyinka dalka. Sidoo  kale, waxaa lagu sheegay qoraalka in wasaaraddu ay u xilsaaran tahay  ka  hor-tegidda qalalaasa siyaasadeed oo dhalin kara iska-hor-imaadyo.

“Waxaa xusid mudan in mudooyinkan dambe ay magaalada Baydhabo ee gobolka  Bay ka socdaan shirar xambaarsan fikrado iska soo horjeedo, kuwaasoo  uu  mid  waliba sheeganayo dhisidda maamul-goboleed ay yeeshaan degaannadaas. Hadaba  xukuumaddu waxay wal-wal ka muujinaysaa habka ay u socdaan shirarkaas iyo  dhibaatada ka imaankarta natiijada dhamaadka shirarkaas iska soo horjeeda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

Sidoo kale, qoraalka waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya oo ka duulaysa mas’uuliyadda ka saaran maamul-u-sameynta iyo federaaleynta dalka  waxay dhowr jeer isku taxluujisay inay midayso shirarkaas iska soo horjeeda, si  shacabka deegaankaas ay u helaan maamul midaysan oo waafaqsan dastuurka iyo  shuruucda dalka u yaala.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xukuumadda oo ka hor-tagayso qalalaase dhaca ay dhowr jeer wufuud  kala duwan oo ka kooban xubno ka kala socda labada gole ee xukuumadda iyo baarlamaanka u dirtay magaalada Baydhabo. Wufuuddaas waxay u xil-saarnaayeen  in la helo talo mideysan oo ku aaddan maamul u samaynta iyo federaalka.

Dhanka kale, qoraalka dowladda ay soo saartay ayaa lagu sheegay in wasaaraddu ay halkan ku caddeynayso moowqifka siyaasadeed ee ku aaddan habka loo marayo dhismaha maamul-goboleed ay yeeshaan  goboladaas, iyadoo la tixgelinayo  xaalka siyaasadeed  ee haatan  ka  jira deegaanadaas.  

Ugu dambeyn, warsaxaafadeedka aya lagu sheegay dhowr qodob oo kala ah:

1. Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa dhammaan siyaasiinta iyo cuqaasha dalka  in  ay ku baraarug-sanaadaan maamul u samaynta gobollada, degmooyinka iyo maamul-oboleedyada si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka. 

2.  Xukuumaddu waxay dhawraysaa heshiiskii lagu gaaray Addis Ababa ee lagu  ogolaaday dhismaha maamulka MMG ah ee Jubba.     

3.  Xukuumaddu waxay beegsanaysaa ku dhaqanka heshiiska Addis Ababa ee kor  ku xusan. Sidoo  kale, wixii tabasho ah ee ku saabsan heshiiskan xukuumaddu  waxay diyaar u tahay inay gacan buuxda ka geeysato. 

4.  Xukuumaddu waxay diyaar u tahay inay gacan ka geysato dhismaha maamul-goboleedka saddexda gobol ee Bay, Bakool iyo  Shabeeladda Hoose. 

5. Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa shacabka Soomaaliyeed ee deegaannadaas  ku nool inay ka fogaadaan wax walba oo dhalin kara xasillooni daro ku timaadda  deegaankooda.

Mowqifka xukuumadda Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli magaalada Baydhabo ay ka socoto doorashada madaxweynaha maamul goboleed lix gobol ay ku mideysan yihiin oo tan iyo sannadkii hore Baydhabo ka socday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya