4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 3 , 2014
Uganda oo ciidan u soo diraysa Somalia iyo AMISOM oo ka hadashay

Isniin, Maarso 03, 2014 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa sheegtay inay ciidammo gaar ah u soo dirayso Soomaaliya, kuwaasoo la shaqey doona Qaramada Midoobay, iyadoo taliska AMISOM uu arrintan si adag uga jawaabay.

Afhayeenka ciidanka Uganda, Col. Paddy Ankunda oo horay afhayeen ugu ahaa ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga ayaa warbaahinta caalamka u sheegay in ciidamada ay u dirayaan Soomaaliya ay sugi doonaan ammaanka hay’adaha UN-ka ee Muqdisho ka shaqeeya.

“Ciidamada aan Soomaaliya u dirayno waa 410-askari, waxaana ugu talo-galnay in ay sugaan ammaanka xarumaha hay’adaha Qaramada Midoobay ay Muqdisho ku leeyihiin,” ayuu yiri Col. Ankunda, isagoo xusay in ciidamadan aysan wax shuqul ah ku lahayn howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka kooban kumannaan askari oo qayb ka ah howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo dowladda Uganda ay ahayd dowladdii ugu horreysay oo ciidammo nabad ilaalin ah u soo dirta Soomaaliya.

Dhanka kale, afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad oo VOA-da la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Uganda ay u soo dirayso Muqdisho aysan iyagu wax shuqul ah ku lahayn.

"Arrintan waa mid aan AMISOM quseyn, haddii Uganda soo direyso ciidammo ilaalo ka qabta xarumaha UN-ka ay Muqdisho ku leeyihiin waa mid aan la dhayalsan karin waayo waxaa jiray wada-hadal caynkaas ah, balse AMISOM haddii ay nabadgelyo u joogto in ciidan ka gaar ah lasoo diro waxay noqoneysa mid AMISOM lagaga aamin-baxayo," ayuu yiri Col. Xumad.

Ugu dambeyn, afhayeenku wuxuu sheegay inaysan wax wadashaqeyn ah yeelan doonin ciidamada ay Uganda soo dirayso, wuxuuna arrintaas ku tilmamaay mid weyn haddii ay ka dhabeyso Uganda.

Al-shabaab ayaa bartamihii sannadkii hore weerar saacado qaatay ku qaaday xarun ay UNDP ku leedahay Muqdisho, halkaasoo ay ku shirayeen saraakiil UN ah, iyadoo sidoo kale ay Al-shababa weerartay toddobaadyo ka hor gaadiid ay wateen xubno ka tirsan Qaramada Midoobay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya