4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 3 , 2014
Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo sheegay inuu la imaanayo isbedel

Isniin, Maarso 03, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha dhawaan loo magacaabay maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa ka sheegay kulan lagu taageerayay oo Muqdisho ka dhacay inuu isbedel weyn kusoo kordhin doono magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay siyaasiyiin uu ku jiray ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, Cali Maxamed Geeddi, wasiirro, xildhibaanno iyo waxgarad kale, iyagoo ku boorriyay guddoomiyaha cusub inuu howl la taaban karo la yimaado.

“Wax-qabad muuqda ayaa  la iman doonaa oo cadaalad ku saleysan haddii sida aad ii taageerteen aad ii la shaqeysaan xamar bur iyo bio ayaa loo kala bixi doonaa,” ayuu Jen. Muun-gaab ka sheegay kulanka, isagoo xusay in waxqabadkiisa uu noqon doono mid ay durba shacabka Muqdisho arakaan.

Sidoo kale, guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa waxaa horyaalla inuu wax ka qabto arrima fara badan oo uu ammaanka ka mid yahay, iyadoo xilliyadii lasoo dhaafay ay Muqdisho ka dhacayeen qaraxyo, dilal qorsheysan iyo falal kale oo ammaanka kasoo horjeeda, kuwaasoo ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab.

Ra’iisal waaaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geedi oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in looga baahan yahy  guddoomiyaha lasoo magacaabay wax-ka-qabashada ammaanka, siyaasadda, cadaaladda iyo wixii la mid ah.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay wasiir-u-dowlaha wasaaradda maaliyadda, Cabdullaahi Maxamed Nuur oo xubnahii xukuumadda ka socday u hadlayay ayaa sheegay inay garab-istaagayaan guddoomiye Muun-Gaab.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmo ka hor xilkan u magacabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, isagoo xilkii ka qaaday guddoomiyihii ka horreeyay Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo muddo sannado ah xilkaas hayay.

Isbedelka maamulka gobolka Banaadir ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli Muqdisho ay la ciir-ciirayso ammaan-darro, waxaana hal toddobaad gudihiis ka dhacay laba weerar oo midkood lagu qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya, kuwaasoo ay ku dhinteen dad fara badan, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya