4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 29, 2014
Uhuru Kenyatta oo Soomaalida ka Dalbaday in ay la diriraan Argagaxisada


Sabti, Maarso 29, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa Jimcihii shalay la kulmay bulshada Soomaaliyeed ee Kenya ku nool, isagoo ka dalbaday inay qayb ka qaataan dagaalka lagula jiro wuxuu ugu yeeray argagaxisada. Isagoo xusay in aanay jirin cid lagu faquuqayo diinta ay aamisan tahay.

“Muslimka waa udub dhexaadka xukuumadeyda. Meel sare ayay kaga jiraan,” ayuu ka yiri Kenyatta kulan uu xafiiskiisa kula yeeshay xubno matalayay bulshada Soomaalida ah ee ku nool magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Kenyatta ayaa hadalkiisa ku daray: “Ma doonayno inaan cidna diin ku faquuqno, waxaan haysannaa xorriyad diimeed, kooxaha diimaha oo dhanna xushmad ayaan u haynaa,” ayuu madaxweynuhu ku yiri warsaxaafadeed laga soo saaray aqalka madaxtooyada Kenya.

Uhuru Kenyatta ayaa kulankii shalay ugu yeeray Soomaalida inay argagaxisada dagaal kala hor-tagaan. Iyadoo dowladda Kenya ay tan iyo sannadkii 2011 ka cabanaysay weerarro ay Al-shabaab ka geysanaysay gudaha dalkaas.

“Argagaxisonimadu ma shaqeyn karto. Waxaan diyaarinnay qorshe cusub oo lagu wacyi-gelinayo dhallinyarada, kooxaha aan diyaarinnay waxay tegi doonaan goob walba oo cibaado sida Masaajidda iyo kaniisadaha. Umana dulqaadanayno falalka argagaxisada,” sidaa waxaa yiri madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto.

Sidoo kale, madaxda Kenya waxay kulankii Jimihii ka sheegeen in xukuumaddoodu ay diyaarisay qorshayaal dhowr ah oo ay kaga hortagayso falalka argagaxisanimo.

Dhammaadkii kulanka ayaa ergooyinkii matalayay Soomaalida iyo xukuumadda Kenya waxay ku heshiiyeen in la xoojiyo dagaalka lagula jiro argagaxisada ku sugan gudaha dalka Kenya.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay in ka badan 200 oo xubnood oo intooda badan ay ahaayeen ganacsatada xaafadda Islii ee Nairobi, kuwaasoo matalayay xubnaha ganacsatada ah ee xaafaddaas ee Soomaalida ah.

Xubnihii ka qaybgalay kulankaas waxaa ka mid ahaa: xildhibaan Aadan Ducaale, xildhibaan Yuusuf Xaaji, xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo ah halka ay ku badan yihiin Soomaalida.

Xildhibaan Yuusuf Xaaji Maxamed ayaa sheegay in Soomaalida-Kenya ay diyaar u yihiin ka qaybqaadashada dagaalka lagula jiro argagaxisada, ayna ka go’an tahay inay dalkooda ka nadiifiyaan argagaxisada. Isagoo yiri: “Shacabka Soomaaliyeed ee dhexdeenna ku nool waa inay qaadaan taallaabo walba oo suurogal ah si kooxaha argagaxisada Kenya looga adkaado.”

Ugu dambeyn, kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Kenya ay amar ku bixisay in qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool magaalooyinka ay dib ugu laabtaan xeryaha qoxootiga, sidoo kalena ay ciidamada Kenya billaabeen inay qab-qabtaan dadka Soomaalida ah ee Nairobi ku nool.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya