4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 29, 2014
Dublamaasiyiin Soomaaliyeed oo Tababar loogu soo Gaba-gabeeyay Turkiga


Sabti, Maarso 29, 2014 (HOL) — Wasaaradda arrimaha dibadda waddanka Turkiga ayaa maanta u soo gaba-gabeysay tababar dubalamaasiyadeed da’yar Soomaaliyeed oo kala matalayay qaybaha kala duwan ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Da’yartan oo tiradoodu tahay 10 qof, ayaa waxaa shahaadooyin kala guddoonsiiyay agaasimaha akadeemiyadda dublamaasiyadda, Burco Cevik iyo danjire Murat Oguz, waxaana xaflad kooban loogu qabtay hoolka shirarka Mehmet Baydar ee wasaarada arrimaha dibadda Turkiga.

Tababrka oo soconayay muddo hal todobaad ah, ayaa waxaa dhallintaasi da’da yar ay ku barteen dajinta siyaasadda dibadda, hab maamuuska iyo qaabka wada-xaajoodka iyo wadahadallada loo guda-galo, loogana baaraan-dego iyo maadooyin kale oo muhiim ah.

Hadal kooban oo ay munaasabadda ka jeedisay, Burco Cevik ayaa waxay ku sheegtay inay ka fikirayaan sidii tababarro ballaaran loo siin lahaa dublamaasiyiinta da’da yarta ah ee Soomaaliyeed iyo kuwa sare intaba, iyadoo u rajeysay inay sida ugu dhaqsiyaha badan horumar u sameyn doonaan, ayna agaasimaan koorsooyin la jaan-qaadaya baahida aqooneed  ee siyaasadda Soomaaliya.

Dhallintaas tababarka loosoo gabgabeeyay ayaa shalay loo qaaday Istanbul, halkaa oo muddo laba cisho ah ay joogi doonaan, waxaana sida la qorsheeyay ay booqan doonaan goobo taariikhi ah oo kala ah: Masjidka baluugga ah (Sultan Ahmed), matxafyada Hagia Sophia, Topkapi Palace iyo goobo kale.







Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya