4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 28, 2014
Madaxweynaha Gal-mudug oo Qaylo-dhaan ka Muujiyay Firxadka Al-shabaab

Jimco, Maarso 28, 2014 (HOL) — Madaxweynaha maamul-goboleedka Gal-mudug, Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa mar kale ku baaqay inay u baahan yihiin inay helaan gacan ka caawisa Al-shabaab, waxuuna si cad u sheegay inay isku urur-sanayaan deegaanno ka tirsan Galmudug.

Waxuu sheegay madaxweynuhu in Al-shabaab looga soo xoog-batay deegaannadii ay maamuli jireen, taasina ay keentay inay u soo cararaan deegaannada Galmudug iyo Puntland.

"Howlgallada ka socda Koonfurta dalka saameyn buu ku yeeshay maamulka Gal-mudug, waayo Al-shabaabku waxay kusoo carareen deegaanada maamulka Gal-mudug, waxayna joogan iyagoo qarkooda hubeysan oo aan ka wantoobin howlahoodii, waxaana idiin sheegaya inaana awood u hayn innaga oo kelliya," ayuu yiri Cabdi Qaybdiid.

Madaxweynaha Gal-mudug, wuxuu ku cel-celiyay xilli uu saxaafadda kula hadlayay xarunta madaxtooyada Gal-mudug ee Gaalkacyo inay soo dhaweynayaan in Al-shabaab laga saaro deegaannadii ay maamuli jireen, wuxuuse qiray in maamulka uu madaxda u yahay aanay awood u lahayn ka hortagga firxadkooda, ayna hadda dareemayaan culeys deegaannadooda soo koray.

"Waxaan xir-xirnay qaar badan oo Al-shabaab ka tirsan xabsiyadana way buuxaan, laakiin hadda kaddib awood aan isaga celinno ama an ku xir-xirno ma lihin, waxaana ku baaqayna in arrinta gacan nalaga siiyo, waxaana dalbanayna in deegaannada ay kusoo dhumanayaan laga saaro," ayuu ku yiri hadalkiisa madaxweynaha Galmudug.

Sidoo kale, wuxuu dowladda faderaalka Soomaaliya ku dhaliilay inay ka gacansiin waayeen in xabsi weyn laga hirgaliyo Gaalkacyo, si loogu xir-xiro Al-shabaabka la qab-qabto.

Waxaa xilli walba isi soo taraya cabsida laga qabo in xubno ka tirsan Al-shabaab ay kusoo dhuntaan deegaannada nabdoon, balse hadda waxaa la xaqiijiyay in rag aad u badan oo Al-shabaab ka tirsan ay soo gaaren magaalada Gaalkacyo.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya