4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 27, 2014
Jawaari oo ka qaybglay sannad-guuradii 40 ee Ololihii Hormarinta Reer Miyiga


Khamiis, Maarso 27, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia isla markaana ah ku simaha madaxweynaha Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta uga qaybgalay Muqdisho munaasabad lagu maamuusayay sannad-guurrada 40-aad ee kasoo wareegatay hirgelinta ololihii hormarinta reer miyiga.

Munaasabadda oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda waxbarashada Somalia ayaa lagu qabtay hoteelka Jazeera, waxaana goobjoog ka ahaa: wasiirro, xildhibaanno, aqoon-yahanno iyo marti sharaf kale.

Wasiirka waxbarashada, Ciise Axmed Guraase oo ugu horreyn munaasabadda ka haday ayaa tilmaamay in ujeeddada ay wasaaraddu u qabatay munaasabaddan ay tahay muujinta guushii laga gaaray ololihii hormarinta reer miyiga iyo baahida loo qabo maanta in la hormariyo qorista iyo akhrinta afkeenna Hooyo, wasaaradduna waxay waddaa buu yiri qorshayaal lagu hormarinayo.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Ku-simaha ra’iisul wasaaraha dalka ahna ra’iisul wasaare ku xigeen iyo wasiirka Owqaafta, Ridwaan Xirsi Maxamed oo isaguna khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ka hadlay qorshaha xukuumadda ee la xiriira hormarinta afka Soomaaliga iyo guud ahaanba waxbarashada jiilka Soomaaliyeed ee soo koraya oo uu tilmaamay in ay muhiimad gaar ah uga jirto qorshayaasha xukuumadda.

Ugu dambeyn, ku-simaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha baarlamankaa Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa faah-faahiyay marxaladihii uu soo maray qorista afka Soomaaliga iyo ololihii lagu horumarinayay reer miyiga, isagoo ka hadlay muhiimadda ay waxbarashada iyo afka Soomaaligu u leeyahay dadka Soomaaliyeed oo lasii hormariyo xilligan.

Ololihii horumarinta reer miyiga oo ahaa mashruuc goobaha magaalooyinka ka baxsan lagu gaarsiinayay akhriska iyo qoraalka afka Soomaaliga ayaa waxaa la billaabay sannadkii 1974-kii, iyadoo lagu guuleystay in dad badan oo reer miyi ah la baro qoraalka iyo akhiska afka Soomaaliga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya