4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2014
Ra'iisul Wasaare C/weli Sheekh oo la kulmay dhiggiisa Itoobiya (SAWIRRO)


Khamiis, Maarso 27, 2014 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Somalia, Cabdiweli Sheekh Axmed oo howlo shaqo u jooga magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda ayaa kulan gaar ah saaka la qaatay ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailamariam Deselign.

Labada ra'iisul wasaare ayaa kawada hadlay iskaashiga amniga iyo horumarrada laga gaaray howllgalada ka soconaya gobollada dalka ee ay waddaan ciidamada Soomaaliyeed oo gacan ka helaya kuwa AMISOM, waxaana ra'iisul wasaaruhu uga mahadceliyay xukuumadda Itoobiya is-garab-taaggooda howlgalka nabadda dalka Soomaaliya lagu soo celinayo.

"Ra'iisul wasaaraha Itoobiya waxaan ka wadahadalnay iskaashiga ammaanka iyo horumarrada laga gaaray howlgalka nabad illaalinta ee ka soconaya gobollada dalka," ayuu yiri C/weli Sheekh oo xusay in xukuumaddu ay ku howlan tahay sidii howlgalka wejigiisa labaad loogu gudbi lahaa, kaasoo gargaar lagu gaarsiin doono goobaha laga saaray Al-shabaab oo in muddo ah go'doonsanaa.

C/weli Sheekh oo sii hadlayay ayaa yiri: "Howlgalkan wuxuu caawinayaa sidii loo nabadeyn lahaa dhammaan gobolka Geeska Afrika, caalamkana looga badbaadin lahaa dhibaatada iyo falalka argagixisada ah ee ay Al-shabaab maleegayso."

Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha ayaa sheegay intii uu socday kulankan in xaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ay xasiloon tahay haatan, isla markaana ay xukuumaddu waddo dadaallo ay ku mideyneyso aragtida qaybaha kala duwan ee ku howlan dhismaha maamul loo dhan yahay oo ka hana-qaada gobolladaas, wuxuuna tilmaamay inay magaalada Muqdisho ugu yeereen qaybaha siyaasada iyo dhaqanka ee dadka gobolladaasi si ay dowladda iyo dhinacyadaasi s loo mideeyo dadaalka iyo aragtida dhinacyadan.

Ra'iisul wasaaraha Somalia ayaa hambalyo u jeediyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna ku amaanay adkeysigooda iyo geesinada ay ka muujiyeen gobolladii laga saaray Al-shabaab, gaar ahaana degmada Ceelbuur oo saldhig weyn u ahayd kooxaha argagixisada. isaga ku dhiiri-geliyay inay shacabka kasbadaan isla markaana u muujiyaan dabacsanaan iyo caawin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya