4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 27, 2014
Shir lagu soo dhaweeyay Heshiiskii Somaila iyo ILO oo Muqdisho lagu qabtay


Khamiis, Maarso 27, 2014 (HOL) — Kulan lagu soo dhaweynayay heshiiskii ay dhawaan magaalada Geneva ee dalka Switzerland ku kala saxiixdeen dowaldda Somalia iyo ururka shaqaalaha calaamka ee ILO ayaa lagu qabtay maanta Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa wadajir u qabtay isu-tagga urur-weynaha shaqaalaha Soomaaliyeed, xiriirka ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed (XUSS) & weliba Rugta Ganacsiga Soomaaliya, waxayna si wadajir ah u soo dhaweeyeen heshiiskii ay kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo ururka Shaqadaiyo Shaqaalaha Adduunka ee ILO.

“Ujeeddada ugu weyn ee heshiiska ayaa ah sidii loo horumarin lahaa shaqada iyo xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed wadajira ah oo laga soo saaray kulanka, iyadoo heshiiskan uu Soomaaliya u saxiixay ra’iisul wasaare, Cabdiweli Sheekh Axmed, halka ILO uu u saxiixay, madaxa ururka ILO ee qaaradda Afrika, Aeneas Chapinga Chuma.

Dulucda hesiiska ayaa ka koobnaa saddedan qodob ee hoos ku xusan:

1. Xorriyadda ururada shaqaalaha iyo kulammada ay isugu yimaadaan
2. Xuquuq-siinta qofka shaqaalaha ah
3. L-dagaalanka carruurta lagu shaqeeyo ama la shaqaaleysiiyo

Guddoomiyaha xiriirka shaqaalaha Soomaaliyeed, Maxamed Abuukar Zubeyr oo ka hadlaly kulanka ayaa yiri: “Waa guul weyn oo ay gaartay dowladda Somalia muddo 60-sano kaddib ah in dowladdu ay saxiixdo qodobbo aasaaska u ah ilaalinta xeerka shaqaalaha caalamka. Sidoo kale waa guul u soo hoyatay dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan, waxaana si diirran u soo dhaweeneynaa hesiiskii caalamiga ahaa ee dowladda Soomaaliya iyo ILO. waxaan sidoo kale soo dhaweeneynaa hadalkii ra’iisul wasaaraha Somalia, C/wali Sheekh Axmed Maxamed oo ahaa in dowladda Soomaaliya ay horumarinayso wadahadalka, wada-tashiga iyo wada-shaqeynta saddex geesoodka ee u dhexeeya dowladda, loo shaqeeyaha iyo shaqaalaha. Waxaan ballan-qaadaynaa inaan si buuxda dowladda uga shaqeyn doonno arrimaha shaqaalaha iyo sidii uu u dhaqan-geli lahaa heshiiskaas.”

Waxaa kaloo kulanka ka hadlay guddoomiyaha Isu-tagga urur-weynaha shaqaalaha Soomaaliyeed, Maxamed Cusmaan Xaaji isagoo yiri: “Sidaan la soconno shaqaaluhu waa muruqa iyo maskaxda ummadeed ee lagu meel-mari karo, isla markaasna waa laf-dhabarka dhaqan-dhaqaale iyo furaha horumarinta dalka, kaasoo saldhig u ah horumar kasta iyo mushtaqbal uu dal ku tallaabsado. Sidaa awgeed ururrada shaqaalaha iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha  waxay si wadajir ah u soo dhaweynayaan hesiiskii saddexda qodob ee quseeyay arrimaha shaqaalaha kaasoo dowladda Soomaaliya iyo ILO ay ku kala saxiixdeen Geneva 20-kii Maarso 2014.”

Waxaa kaloo xusid mudan in shirk aka hadlay agaasimaha Rugta Ganagsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Cabdi Abshir Dhoor waxuuna yiri: “Ánigoo ku hadlaya magaca Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo matasha dhammaan loo shaqeeyaha, waxaan si aan leex-leexad lahayn u soo dhaweenaynaa heshiiskii magaalada Geneva ee arrimaha shaqaalaha. Waxaan cadeenaynaa inaan si buuxda ula shaqeyn doono ururrada matala shaqaalaha Soomaaliyeed iyo waliba dowladda federaalka Soomaaliya. Waa arrin muhiin ah oo loo baahan yahay in laga fakaro, la difaaco, la dhowro lana hormariyo xuquuqda iyo danaha shaqaalaha Soomaaliyeed”

Ugu dambeyn, waxaa hadal kooban shirka ka jeediyay xoghayaha guud ee ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ kana tirsan ururka (XUSS), Maxamed Ibraahim Bakistaan oo bogaadiyay waxqabadka uu ra’iisul wasaaruhu sameeyay; wuxuuna soo dhaweeyay heshiiskii Geneva ee arrimaha shaqaalaha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya