4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 27, 2014
Kenya oo laga dalbay inay ka laabto go’aankii ku aadanaa Qoxootiga Somalida

Khamiis, Maarso 27, 2014 (HOL) — Hay’adda xuquuqda bani'aadamka ee Human Rights Watch ayaa si adag uga ka hadashay u cambaareysay amarkii kasoo baxay Kenya ee ahaa in qaxootiga Somalida ah ee dalkeeda ku nool ay iska baxaan magaalooyinka waaweyn ayna ku laabtaan xeryha qaxootiga ee dalkaas ku yaalla sida Kakuma iyo Dhahdhaab.

HRW ayaa sheegay inaanay habboonayn in xilligan qoxootiga Soomaalida ah dib loogu celiyo xeryaha qoxootiga, maadaama Kenya muddo dheer ay u dulqaadatay qaxootiga Soomaalida ah, ayna u muujisay deeqsinimo loona baahan yahay inay sidaas ku sii waddo.

Hadalka kasoo baxay hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee HRW ayaa kusoo beegmaya xilli hadal kasoo baxay wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Lenku uu ku sheegay in qoxootiga Soomaalida ah ay ku laabtaan xeryaha, taasoo uu ku sheegay inay tahay mid ay ku sugayaan ammaanka.

Kenyaa ayaa marti-galisay kumannaan qoxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasoo kaga cararay dalkooda dagaallo iyo abaaro soo laalaabtay, waxaana qaarkood ay dalka Kenya ku sugan yihiin in ka badan 21-sano.

Qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool magaalada Nairobi oo arrintan ka hadlay ayaa ku tilmaamay mid lagu doonayo in lagu dhibaateeyo, waxaana dhowr jeer ay sidan oo kale Kenya isugu dayday inay qoxootiga dib ugu celiso qoxootiga, inkastoo ay ka laabatay.

Xeryaha qoxootiga Dhadhaab iyo Kakuma ayaa waxaa ku jira in ku dhow hal milyan oo Soomaali ah, kuwaasoo inta badan sheega dhibaatooyin loogu geysto xeryahaas kuwaasoo ay ka mid yihiin dhac, dil iyo kufsi joogto ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya