4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 27, 2014
Howlgallo maanta laga Sameeyay deegaanno Hoostaga Degmada Buula-burte

Khamiis, Maarso 27, 2014 (HOL) — Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo AMISOM oo dhawaan la wareegay gacan ku heynta degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa saacadihii ugu danbeeyay howlgal ka sameeyay deegaanno hoostaga degmada Buula-burte oo ay fariisimo ku lahaayeen Al-shabaab.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo jooga degmada Buula-burte ayaa u sheegay HOL  in ciidammo sahan ah oo ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan u dirreen fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanno ku dhaw dhaw degmada Buula-burte, isaga oo sheegay in ay halkaa laga saaray xoogagii ku sugnaa.

''Si aan u wiiqno awoodooda ugana durjinno magaalada ciidammo kooban ayaan u dirrnay deegaanno hoos taga degmada oo ay fariisimo ku lahaayeen Al-shabaab, waxaa ay isku dayeen in ay ciidamada la dagaallamaan, laakiin markii danbe waa ay kala carareen qaar iyaga ka tirsanna gacanta ayaa ku soo dhignay,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Mar aynu wax weydiinay xaalada dadkii dhawaan ka barakacay dagaalladii ka dhacay degmada, waxaa uu sheegay in dadka shacabka ah dib u soo guryo noqonayaan.

''Xiligan aan kula hadllayo wax yar uun ka hor ayaan anniga iyo taliyaha ciidamada Jabuuti Col Cismaan Dubad degmada soo dhaxmarnay, dadka dib ayeey u soo guryo noqonayaan, waxaan ku wargalinay in ay is dajiyaan wax dhibaato ahna ka jirin,'' ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaannada ay ka jiraan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ayeey adag tahay in ay u adkeystaan waqtigan barakac iyo in ay ka cararaan guryahooda madaama lagu jiro xili kuleylo.

Ugu danbeyntii guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa HOL u sheegay in ciidamada maamulka gobolka oo kaashanaya kuwa AMISOM ku wajahan yihiin deegaannada wali ku harsan gacanta Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya