4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 2 , 2014
Wasiiradii Dowlada oo ku hungoobay qorshihii ay Baydhabo u tageen

Axad, Maarso 02, 2014 (HOL) — Wafdi wasiiro ah oo labadiii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa maanta shir ay la yeesheen golaha sare ee guurtida Koonfur-galbeed ee lixda gobal ayaa niyad-jab kala kulmay kaddib markay mas’uuliyiinta golahaas ku adkeysteen inay maamulka dhisayaan.

Wasiirrada ay soo jeediyay in doorashada maalinta berri ah dhacaysa dib loo dhigo muddo 15 maalmood ah, taasoo ay diideen dhammaan xubinihii golaha guurtada ee ee ay wasiirradu la kulmeen, iyadoo kulankaas ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil ka tirsan AMISOM.

Dhinaca kale, shirk aka socda hoteelka Bakiin oo la doonayo in lagu dhiso maamul ka kooban saddex gobol ayaa iyagu ka ogolaaday wasiirrada ka socda xukuumadda Soomaaliya inay shirka joojiyaan.

Guddoomiyaha golaha guurtida ee Koonfur-galbeed Soomaaliya, Malaaq Xasan Shure Maxamuud ayaa wuxuu ku dhawaaqay in berri ay ka dhacayso xarunta ADC-da Baydhabo doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

“Doorashadu way dhacaysaa berri mana jirto cid hor-istaagi karta shirkanna waa mid ku yimid rabitaanka shacabka ku nool lixda gobo lee maamulkan hoos imaan doona,” ayuu yiri Xasan Shure.

Kulankii dhexmaray golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya iyo xubnihii golaha guurtida maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay gacan ka hadal, taasoo sababtay in ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Baydhabo ay kala dhex-galaan labada dhinac.

Xubnihii wasiirrada ahaa ayaa loo kaxeeyay garoonka diyaaradaha Baydhabo, warar naga soo gaaraya caawa garoonka ayaa sheegya inay  wafdigii wasiirrada ahaa dib ugu laabteen magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka yimaadeen.

Dhanka kale, magaalada Baydhabo ayaa waxaa maanta ka dhacay shil baabuur oo oo sababay dhimashada afar qof oo u shaqeeyay hay’adda maxaliga ah ee DMO, iyadoo sidoo kale ay jireen dhaawacyo culus oo shilka ka dhashay, kuwaasoo lagiu daweynayo isbitaalka weyn ee Baydhabo.

Gaariga rogmaday oo noociisu ahaa TOYOTO NOAH ayaa waxaa la socday xubno u shaqeynayay hay’adda maxaliga ah ee DMO oo ka shaqeysa daryeelka haweenka iyo caruurta, iyadoo dadkii gaarigan la socday ay u qaybsameen kuwo dhintay iyo kuwa dhaawacmay.

Hiiraan Online, Baydhabo