4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 2 , 2014
Maydka Haweenay Ganacsato ahayd oo laga helay Guri lagu Aasay

Axad, Maarso 02, 2014 (HOL) — Ciidanka booliiska Somaliland ayaa guri Hargeysa ku yaalla ka helay haweenay ganacsato ahayd oo lix maalmood ah la raadinayay, iyadoo lagu aasay daaradda guriga.

Haweenay la dilay ayaa la sheegay inay lacag ku lahayd qoyskan lagu tuhmayo inay dileen, haseyeeshee markii ay gurigii tagtay ayey qoyskii guriga ku noolaa ay dileen ka dibna ku aaseen guri ku yaalla bariga Hargeysa ee degmadda gacan libaax.

Qoyska haweenayda la waayey ayaa Ciidanka Booliska ku soo wargaliyey, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey baadi goobayey haweenayda la waayey, waxaanay wararku sheegeen in lagu qabtay marxuumadda mobil-keedii qof ka mid ah qoyska wax dilay, ka dibna waraysi badan oo laga qaadayey qoyska laga heli doono maydkeeda, ayaa qirtay inay haweenaydaasi dileen, kuna aaseen god ku yaalla daaradda gurigoodda.

Haweenaydan shirqoolka lagu dilay ayaa magaceeda la odhan jiray Ruqiya Siciid Ayaanle, waxaanay wararku sheegayaan inay lacag lagu qiyaasay toban kun oo doolar ku lahayd qoyskan lagu tuhmayo inay dileen Haweenayda, inkastoo ilaa hadda si rasmi ah loo cadayn xadiga lacagta ay marxuumadu ku lahayd qoyskan.

Ciidanka booliiska ayaa marxuumadaasi ka soo foqay godkii lagu aasay ka dibna keenay maydkii haweenaydaasi cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa, haseyeeshee, dadweyne aad u faro badan oo la yaaban dhacdadan ugubka ku ah magaaladda Hargeysa, ayaa ku soo xoomay cisbitaalka, kuwaas oo ilaa hadda ku sii qulqulaya si ay usoo arkaan marxuumaddan la dilay.

Dhacdadan ayaa guud ahaan ku cusub Somaliland, isla markaana markii la maqlay noqotay mid dadweynaha ka yaabiso, hasyeehsee ilaa hadda ciidanka booliska ee hawshan baadhay wax war ah kama soo saarin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland