Waaxda Garsoorka oo eedeysay xukuumada Somaliland iyo hadal...
Axad, Maarso 02, 2014 (HOL) — Guddoomiyeyaasha Maxkamadda
gobolka Maroodi-jeex Faysal Cabdilaahi Ismaaciil (Dhago-dhago), gudoomiyaha
Rafcaanka C/rashiid Maxamed Maxamuud (C/rashiid Duraan) iyo garsoore-yaal ka
hawlgala maxkamadaha Hargeysa, ayaa xukuumadda Somalilland ku eedeeyey inay
farogalin qaawan ku hayaan hawlaha garsoorka iyo in si cadaaladda loo shaqeeyo.
Garsoorayaashan ayaa tilmaamay wasiiro ay ka socon laadahay
waaxda Garsoorka, isla markaana sheegay inay qaarkood xukuno dhacay waraaqo
amar ah oo lagaga noqonayo usoo qoreen Garsoorayaasha, taas oo ay tilmaameen in
aanay sharciga waafaqsanayn.
Waxaanay sidaasi ku sheegeen shirjaraa’id oo ku qabteen
xarunta maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, waxaanay si mugleh ugu soo bandhigeen
caqabado badan oo hortaagan inay shaqadooda si madaxbanaan u gutaan sida
Dastuurka ku cad.
“Garsoor la caayeyo oo la dhaliilayo ayuun baad arkaysaa
waliba ha ugu darnaadaan wasiiradii dawladuye, waxaanu khaatiyaan ka taaganahay
oo qofkii la soo xidho-ba daba socda ee sii daaya lihi waa wasiir oo haddii uu
tuug noqdo iyo hadii uu dhaawac noqdo-ba 24-ka saacadood ninka sii daaya lihi
waa wasiir oo ninkan wax dulminayaana waa nin wasiir haysta oo saxaafad iyo
suldaan haysta oo Madaxtooyo gali kari oo beena sheegi kara oo loo heelan yahay
weeyi horta ninka wax dulmiyaa”ayuu yidhi gudoomiyaha maxkamadda gobolka
Maroodi jeex Faysal Dhego dhego oo ka hadlayey caqabadaha ay kala kulmaan
wasiiradda xukuumadda ka tirsan.
Isagoo tilmaamay siday dadka dulmiga sameeyaa ee wax laga
xukuma u dhaqmaan waxa uu yidhi “ Marka wax laga xukumo-na wuxuu odhanayaa
garsooraha dacwada qaaday waa qoloma oo marka uu reerkooda noqon waayo ayaa
hadana la odhanayaa gabadhiisu waa qoloma markaasuu reerkoodana noqon waayayaa,
dabadeed ayaa la odhanayaa yey isku qolo yihiin garsoorahaasi markaasaa la
odhanayaa hebel, isla markaas ayuu hebelkii aad isku qabiilka ahaydeen kula soo
hadlayaa oo Xildhibaankaagii iyo suldaankaagii la doonanayaa halka ninka xaqa
lihi aanu cidna la hadlaynin oo uu aayar halkaasi iska marayo, laakiin ka
boro-bogaandada shubaya ee wasiirka haystaa ee baarlamaanka haystaa ee
salaadiin iyo caaqilo haystaa waa daalinka oo ummadda oo dhami kula soo
hadlayso ee aanu guryahayaga khaatiyaanka kaga taaganahay horta waa
daalinkaas”.
“Qalinkaygani waxaanu ognahay inuu xukumo saddex wax ee ay
naftu ugu jeclayd oo kala ah Naftii, Maalkii iyo Sharaftii, markaa saddexdii
naftu ugu jeclayd ayaanu xukunaa oo godobtoodana waad garanaysaa”ayuu yidhi
isagoo ka hadlaya shaqada adag ee ay hayaan, waxaanu intaas ku daray garsooruhu
“ Askar baa ila socota oo hadana baabuur ma lihi dee markaa miyey ila sii
lugaynayaan?, mida kale garsoorayaashaasi iyaga oo dil, tuug, qaadacul-dariiq
iyo kufsiba xukumay ayey hadana shacbigii baskii la sii raacayaan. Hadaba
nimanka wasiirada ah ee nin-nin dilay ka hadlaya oo nin-ninkale xabad ku
dhuftay ku odhanaya ha xukumine dib noogu dhig”ayuu yidhi Garsoore Faysal oo ka
hadlaya halista ay ku jiraan iyo sida aan looga war hayn.
Faysal Dhago-dhago isaga oo ka hadlaya maxaabiista maalinkasta
loo keeno,waxa uu yidhi “Maalinkasta 150
qof oo maxbuus ayey 14-ka saldhig ii keenaan, jeelkeena budhcad-badeed iyo
argagixiso ayaa ku xidhan 50 qofna wuu qaadaa oo saldhigyadii ayuu ka rumaan
gareeyaa, isla markaana waxaas oo garsoore ihi madaxa ma qaadaan oo wasiirada
na dhaliilaya mid kaliya oo laga helo xafiiskiisa oo fadhiistaa ma jiro oo
hay’ada dawladda 10-ka subaxnimo-ba waa wada faaruq, anagu ilaa kawda duhurnimo
ilaa todobada subaxnimo madaxa ma qaadno oo nin garsoore ahi madaxa ma
maqnaankaro oo dad baa u mudaysan. Hadaba wasiirka aan waxaa ogayn ayuun baa
Tv-ga ka dhaleecaynaya meeshaas aad arkayso”ayuu hadalkiiisa ku daray.
Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka C/rashiid Maxamed Maxamuud
(C/rashiid Duraan), ayaa isaguna aad u dhaliilay farogalinta golaha wasiiradu
ku hayaan waaxda garsoorka oo ka madax banaan, isla markaana waxa uu sheegay
inay waaxdooddu soo saarto dakhli badan balse
ay iyagu ka qatan yihiin.
“Dakhliga dawladda way ka qayb-qaataan garsoorku oo sanadkan
oo kaliya lacag aan suurta-gal ahayn oo aan lagu talo-galin ama aan qorshahaba
ku jirin ayey maxkamaduhu soo saareen iyaga oo ka dedaalay koodh-fiiga
maxkamadaha laga qaado, ganaaxyada dadka maxaabiista ah ee la xukumay la saaro,
cadaymaha guurka iyo furniinka iyo macaamilaadka kale ee ay maxkamadda degmadu
samayso”ayuu yidhi gudoomiyaha maxkamadda Racfaanka Hargeysa C/rashiid Duuraan
oo ka hadlayey dakhliga ay usoo xareeyaan dawladda.
Qareen Maxamed Siciid iyo garsooreyaal kale, ayaa iyaguna sida
fiinta uga hadlay farogalinta qaawan ee uga imanaysa xukuumadda, taas oo khatar
galinaysa cadaaladdii ay umaddu ka sugaysay.
Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo
ayaa ka jawaabtay farogalintaasi lagu eedeeyey, waxaanu sheegay madaxweynuhu in
aanay jirin wax farogalin ah oo ay xukuumaddu ku hayso waaxda garsoorka, balse
masuulka lagu sheego arrintaasi uu talaabo ka qaadi doonno.
“Ma jirto wax dacwad ah oo arrintaasi ku saabsan oo iga soo
gaadhay gudiga caddaalada, waxaana iga go’an xukuumad ahaan in aanu
gacan-buuxda ku siino gudashada waajibaadka garsoor ee ay qaranka u hayaan
maxkamaduhu, waxaana la dareemi karaa intii ay xukuumadaydu ay timid waxyaabaha
iyo isbedelada ka muuqda garsoorka dalkeena, hadii ay jiraan cid shaqsiya ay
fara-gelin u gaysatay garsoorka marka la xaqiiyo ka dib waxaan ka qaadi doonaa
talaabada ku haboon”ayuu lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska
madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha Axmed Saleebaan
Dhuxul.
“Garsoorka iyo maxkamadeheena waxaa laga rabaa iyada oo la
dhawrayo anshaxa dawladeed iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa hay’addaha kala duwan
ee dawlada, in wixii cabasho ah ee jira loo maro nidaam maamul iyo qoraal,
balse aanay munaasib ku ahayn in warbaahinta la isu mariyo eedo iyo dacwado aan
loo gudbin cidii ay khusaysay”ayaa lagu yidhi qoraalkaasi xafiiska madaxtooyada
ka soo baxay.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland