4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 2 , 2014
Xaaladda Ukraine oo kasii dartay iyo Ruushka oo diiday inuu ka baxo
Axad, Maarso 02, 2014 (HOL) — Dowladda Ukraine ayaa digniin adag u dirtay dowladda Ruushka ka dib markii ciidamo raashiyaan ah ay ka dageen  magaalada Sevastopol oo ka tirsan gobolka Crimea oo muhiimad  gaar ah u leh Moscow.

Kulan socday muddo seddex saacadood ah oo dhex-maray madaxweynaha kumeel gaarka ah ee Ukarine Oleksander Turchinov iyo madaxda amniga ee dalkaas ayaa lagu canbaareeyay fara-galinta dowladda Ruushka ay ku hayso qaybo kamid ah dalkaas oo bilihii ugu danbeeyay la ciir-ciirayay dhaqaalo darro.

"Ma lahan wax mar-marsiyo ah gar-darada Ruushka uu ku hayo dalkeena," ayuu yiri Turchinov oo tilmaamay in dowladdiisa ay samayn doonto wax walba oo looga hortagayo far-galin uu ku sheegay in ay tahay mid qaawan.

 Waxaa kaloo masuulkan oo ay is-garab taagnaayeen ra'isul -wasaaraha Ukraine Arseny Yatseniuk uu sheegay in ciidamada Rusia looga baahanyahay sidii ay dib ugu laaban lahaayeen dalkoodi, isagoo xusay in la adkeeyay dhamaan amniga goobaha muhiimka ah.

 Sidoo kale wada hadal saacado koban socday ayaa qadka taleefanka waxa uu ku dhex maray ra'isul-wasaaraha Ruushka iyo madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Ukraine ,mana jiraan qodobo cad oo la shaaciyay in labada masuul  isku waafaqeen aan ka ahayn in ruushka laga dalbaday in ay dib ugu laabtaan gobolka Crimea.

 "Waan ku qanacsanahay in dowladda Rusia aysan fara-galin dheeraad ah samayn doonin ,waayo tani waxey sababi kartaa dagaal labada dal dhex mara iyo in xiriirka labada wadan uu bur-buro "ayuu hadalkiisa ku daray Oleksander Turchinov .

 Wakaaladda wararka ee dalka Ruushka ayaa iyadana  sheegtay in maalinimadii shalay ahayd uu wada hadal qadka taleefanka ah  oo qaatay 90 daqiiqo uu   dhex-maray madaxweynaha Maraykanka Obama iyo waliba kan ruushka ,kaasi oo aan natiijo fiican ku dhamaan.

 Ugu danabyntii barlamaanka dalka Ruushka ayaa waqtii sii horeeyay ansxiyay codsi uga yimid madaxweyne Vladimir Putin,kaasi oo ahaa in ciidamo ruush ah loo diro gudaha Ukraine gaar ahaan gacanka Crimea oo ah gobol leh is maamul madax banaan ,isla markaana dadka ku nool ay u badanyhihin Raashiyaan.

 Faysal Mohamed Hassan
[email protected]