4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 2 , 2014
Waxqabadkii Marxuum Maxamuud Indha-case oo lagu xusay Ottawa

Axad, Maarso 02, 2014 (HOL) — Jaaaliyadda Soomaaliyeed ee ku ool magaalada Ottawa ee dalka Canada ayaa habeenkii Jimcaha ahaa ee lasoo dhaafay waxay qabteen kulan baroor-diiq ah oo lagu xusuusanayay wax-qabadkii marxuum Maxamuud Xirsi Cabdulle (Indha-casse) oo ka mid aha dadkii lagu dilay weerarkii Al-shabaab ay ku qaaday madaxtooyada Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay dugsiga sare ee Ridgemont oo ah dugsi ay ka qalin-jibiyeen arday badan ee uu macallin u ahaa marxuum Indhacase, ayaa waxaa isugu yimid boqollaal dadweyne ah oo isugu jiray culummo, arday, dhallinyaro, siyaasiyiin ka socday dowlad-goboleedka Ontario ee iyo dowladda federaalka Canada iyo weliba haween.

Waxaa si aad ah dadkaas uga dhex-muuqday dad ka kala socday hay'adihii uu AUN marxuum Indhacase lasoo shaqeeyey oo ka mid ahaayeen Youth Services Bureau of Ottawa, Ottawa-Carleton District School Board, Ottawa-Carleton Immigrant Services Organization iyo South-East Ottawa Community Health Center.

Sidoo kale, waxaa halkaas lagu soo bandhigay oo lagaga hadlay taariikh nololeedkii marxuum Indha-case iyo waxqabadkii uu ka geystay bulshada ku nool magaalada Ottawa, gaar ahaan qaybaha waxbarashada, shaqaaleynta dhallinyarada iyo dejinta dadka ku cusub dalka Canada (New Immigrants).

Dhammaan dadkii kulankaas ka hadlay oo isugu jiray bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa waxay waxay tacsi tiiraanyo leh u direen xaaskii uu ka geeriyooday marxuumka, marwo Cawrala Faras-cadde iyo carruurtii uu ka geeriyooday oo ku sugnaa madasha. Waxayna kulligood isla qireen in AUN Maxamuud uu u ahaa laf-dhabar mujtamaca Soomaaliyeed ee reer Ottawa.

Geeridu waa xaq, laakiin dilkan foosha xun wuxuu u keenay in beesha reer Ottawa dhaawac weyn uu soo gaaro uuna ku reebo xusuus dhammaan intii taqaannay AUN Indha-case.  Culummadii  halkaa joogtay ayaa u duceeyay marxuumka in Ilaahay uu qabriga u waasiciso , jannadiina ugu bishaareeyo.

Marxuum Maxamuud Xirsi C/lle Indha-case oo ahaa agaasimihii xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda Somalia ayaa lagu dilay toddobaadkii hore gudaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya, halkaasoo ay weerareen maalin Jimco ah xoogag Al-shabaab ka tirsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya