4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 2 , 2014
Ra'iisul Wasaaraha oo booqasho aan la shaacin ku tagay Abu Dhabi


Axad, Maarso 02, 2014 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Somalia, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu horkacayo ayaa booqasho rasmi ah ku tagay xalay magaalada Abu Dhabi ee xarunta isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Wafdiga ra'iisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka difaaca, Maxamed Sh. Xasan Xaamud, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka iyo saraakiil ka tirsan xafiiskiisa.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxaa magaalada Abu Dhabi ku soo dhaweeyay madax sare-sare oo ka tirsan boqortooyada isu-tagga imaaraadka Carabta iyo safiirka Somalia u fadhiya Abu Dhabi, danjire, C/qaadir Sheekhey.

Booqashada ra'iisul wasaaraha ayaa waxay qaadan doontaa muddo saddex cisho ah, wuxuuna la kulmi doonaa madaxda ugu sarreysa UAE, isagoo kala hadli doona iskaashiga labada dal, gaar ahaana dhinacyada siyaasada, dib u dhiska garsoorka, amniga iyo xasilinta iyo ka qayb qaadashada dib u dhiska Soomaaliya.

Safarkan ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu kaga baxo Soomaaliya, tan iyo markii xilka ra’iisul wasaarenimo loo magacabay, isagoo safarkan kii ka horreeyay ku tagay dalalka Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo dalka Uganda oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya