4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 2 , 2014
Gaas:"Waxaa la joogaa xilligii laga hadli lahaa muranka Xuduudaha"


Axad, Maarso 02, 2014 (HOL) — Madaxweyaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa khudbad uu dhinacyo badan  ku tabtay ka jeediyey machadka daraasaadka nabadda iyo ammaanka ee magaalada Addis Ababa (IPSS).

Mudane Gaas ayaa arrrimaha uu khubaddiisa kusoo qaaday waxaa ugu muhiimsan in caqabadaha xilligan horyaalla maamulka uu hoggaamiyo ay ka mid yihiin dhinaca ammaanka, wuxuuna xusay in xilligan dowladdisu ay ku dadaallayso ka hortagga wax kasta oo dhib u keeni kara jiritaanka Puntland.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay burcad-badeednimada, Al-shabaab iyo muranka soohdimaha ee u dhexeeya Puntland iyo kan Somaliland, isagoo sheegay in saddexdan qodob ay yihiin halista ay Puntland wajaheyso.

Al-shabaab ayuu ku sheegay in xilligan looga adkaaday gobollada Koonfureed ee Soomaaliya oo ay ku xooggan yihiin, waqtiganna ay marayaan xilligii dabar- go'a, balse wuxuu xaqiijiyay inay ka fiijigan yihiin dhibaato uga timaada kooxda xiriirka la leh Al-qaacida.

La-dagaallanka kooxaha burcad-badeedda ah ayuu ku tilmaamay in waqtigan laga gaaray guul muhiim ah oo la dabar-gooyay, waxaana uu tilmaamay in Puntland ay ka qaadatay doorka ugu weyn soo afjarida kooxaha Soomaalida ah ee qafaalata maraakibta ganacsiga iyo kuwa dalxiiska ee gooshaya xeebada Soomaaliya ka ag-dhow iyo kuwa ka fogba.

Qodobka saddexaad ee xasaasiga u ah siyaasada Puntland ayuu ku sheegay Gaas in uu yahay muranka ka jira soohdimaha u dhexeeya Puntland iyo Somaliland, sida muranka gacan ku haynta iyo maamulka gobollo iyo deegaanno ka tirsan Sool.

Somaliland ayaa ku andocoota maamiladda gobollada uu muranku ka taagan yahay halka Puntland ay ka sheegato isirka iyo lahaanshiyaha gobolladaas, balse waxaa siyaasadda labada dhinac xilligan Gaas uu ka dhigay mid qaboow kaddib markii uu sheegay in la joogo waqtigi wada-hadalka.

"Waqtigan waa xilligii xal waara laga gaari laha muranka soohdimaha ee Piuntland iyo Somaliland u dhexeeya, waaana waqtigii khilaafka wada-hadal lagu dhammeyn lahaa," ayuu yiri madaxweyne C/wali Gaas.

Intii uusan madaxweyne Gaas qaban xilka madaxweynaha Puntland wuxuu saddex bilood ka tirsanaa xubnaha machadka daraasaadka nabadda iyo ammaanka IPSS ee xaruntiisu tahay magaalada Addis Ababa.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya