4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2014
PUNTLAND: booqashada Madaxweyne Siilaanyo Waa Daan-daasi


Axad, Maarso 16, 2014 (HOL) — Dowladda Puntland ayaa ka hadashay booqasho aan horay loo shaacin oo maanta  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), uu ku tegey degmada Laas-qoray ee gobolka Sanaag.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka ee Puntland C/weli Xirsi Cabdulle (Indho-guran) ayaa lagu sheegay in Puntland socdaalka Siilaanyo iyo wafdigiisa ay u aragto mid daandaansi ah.

"Waxaa saakay oo taariihdu ahayd 16/03/2014 subaxnimadii si xad-gudub ah ku yimid degmada laas-qoray oo ka tirsan Dowladda Puntland Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), taasoo ah daandaansi iyo xad-gudub lagu soo xad gudbay xuduudda Puntland..." War-saxaafadeedka ayaa sidaas lagu yiri.

Waxaa sidoo kale qoraalka kasoo baxay Wasaaradda War-faafinta ku xusan in Puntland ay difaaci doonto xuduudaheeda iyo weliba deegaannada ay maamusho "Punland waxay diyaar u tahay inay difaaacdo xadduudeeda islamarkaasna waxay ka digaysaa wax kasta oo keeni kara colaad dhex marta dariskeeda iyo isku dhac maamuleed iyo shacabka dariska a..."

Ma ahan markii ugu horreysey oo mas'uuliyiin sare oo ka tirsan Maamulka Somaliland ay booqasho ku yimaadaan bariga gobolka Sanaag, haseyeeshe waa markii ugu horreysey oo Madaxweyne Siilaanyo uu soo gaaro degmada Laas-qoray.

Bulshada Puntland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay arrintan, waxayna dadka badankoodu aad uga yaabeen sida lama fiilaanka ah ee wafdiga Madaxweyne Siilaanyo ay magalaadaas u tageen.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya