4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 12, 2014
Xoogag ka Tirsan Al-shabaab oo la sheegay in lagu dilay Duqeymo

Arbaco, Maarso 12, 2014 (HOL) — Maamulka gobolka Gedo ee Somalia ayaa u sheegay warbaahinta in 32-dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ay Kenyan u geystay saldhigay ay Al-shabaab ku lahayd gobolkaas.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo, Cali Mataan ayaa sheegay in duqeymahan ay ka dhaceen deegaanno ku dhow degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo ay ka taliso Al-shabaab, laguna burburiyay qalab ciidan oo ay Al-shabaab lahayd.

“Duqeymo ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka geysteen Salaasadii shalay saldhig ay Al-shabaab ku lahayd deegaanno ku dhowr Baardheere ayaa lagu dilay 32 xubnood oo Al-shabaab ka tirsan, 10 ruux oo kalena waa lagu dhaawacay,” ayuu yiri Mataan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in duqeynta lagu burburiyay gaadiid milateri oo ay Al-shababa lahayd, inkastoo uusan sheegin tirade gaadiidka lagu burburiyay duqeyntaas.

Baardheere ayaa ah degmada keliya ee gobolka Gedo ka maamusho Al-shabaab, kaddib markii maalmo ka hor ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ay garab-sanayaan ee dalka Itoobiya oo ka mid ah AMISOM ay degmada Buudhuubo kala wareegeen Al-shabaab.

Al-Shabaab ayaa weli gacanta ku haysa deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid yihiin, Bu’aale, Jamaame, Jilib, Ceelbuur, Buulo-burte, Ceeldheer, Xarardheere, Baraawe, Qoryooley iyo kuwo kale oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii November ee sannadkii ku dhawaaqay in sannadkan 2014-ka uu noqon doono sannadkii laga saari lahaa Al-shabaab Soomaaliya oo dhan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Kenya ay duqeymo ay gobolka Gedo ka geysatay la sheego in lagu dilay xubno fara badan oo Al-shabaab ka tirsan, iyadoo dhawaan uu sheegay afhayeen u hadlay milateriga Kenya in afhayeenkii Al-shabaab Sheekh Cali Dheere uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray duqeyn ka dhacday gobolka Gedo.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiro hadal weli kasoo baxay Al-shabaab oo geerida Sh. Cali Dheere ay kaga hadleen, sidoo kalena ay kaga hadleen duqeymaha la sheegay in lagu dilay32-dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya