4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 11, 2014
Madafiic Xalay lagu duqeeyay Muqdisho iyo baaritaanno saaka socda

Talaado, Maarso 11, 2014 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, laba kalena way ku dhaawacmeen madaafiic xalay ku dhacay xaafado ka tirsan Muqdisho, kuwaasoo aan la ogeyn cidda soo tuurtay iyo goobaha loo dan lahaa.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Xamar-jajab ayaa sheegay in madfac kusoo dhacay meel ku dhow iskoolka booliiska ay ku dhimatay haweeney rayid ah, iyadoo aysan jirin khasaare kale oo uu madfacaas geystay.

Sidoo kale, laba qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay madfac ku dhacay agagaarka isgoyska shaqaalaha ee degmada Hodan, mana jiraan wax khasaare kale oo uu geystay madfacaas.

Madaafiicda xalay lagu duqeeyay Muqdisho oo aanay jirin cid weli sheegatay inay ka tahay mas’uul ayaa ku dhacay degmooyin kala duwan, iyadoo khasaaraha hal qof ee dhimashada ah iyo labada qof ee dhaawaca ah illaa hadda la ogyahay.

Dhanka kale, waxaa saakay ka socda degmada Wadajir ee gobolka Banaadir howl-gallo ballaaran oo ay fulinayaan ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya.

Howlgalladan ayaa lagu sheegay inay yihiin kuwo lagu adkeynayo ammaanka guud ee degmadaas oo maalin ka hor lagu dilay haweeney ka mid ahayd shaqaalaha u shaqeynayay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa bilihii ugu dambeeyay kusoo kordhayay ammaan-darrada, iyadoo habeennada qaarkood lagu duqeynayay madaafiic degmooyin ka tirsan Muqdisho, kuwaasoo mas’uuliyadooda ay sheegatay Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya