4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 10, 2014
Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo dalbaday in Dowladda Gacan la siiyo


Isniin, Maarso 10, 2014 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa galabta ka qayb-galay munaasabadda sanad-guuradii lixaad ee kasoo wareegtay aasaaska hay’adda SOSCENCA, isagoo ka codsaday hay'adaha aan dawliga ahayn iyo ururrada bulshada rayidka inay dowladda kala shaqeeyaan isku soo dhaweynta bulshada iyo horumarinta nabadda.

Mudane C/weli Sheekh ayaa ka codsaday in si wadajir ah loogu guntado sidii loo samata-bixin lahaa dalka, basle aan lagu eegan oo kaliya dowladda Soomaaliya oo keliya.

"Dowladda, ururrada bulshada iyo guud ahaan shacabka oo isku duuban oo kaliya ayaa ka guuleysan kara caddowga, balse haddii tafaraaruq uu dhoco caddowga ayaa naga guuleysanaya," ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha ayaa u ballan-qaaday kasoo qaybgalayaashii kulanka in xukuumadu ay muhiimad siinayso shaqo abuurista iyo fursad siinta dhallinyarada Soomaaliyeed, sidoo kalena ay adkeyn doonaan nidaamka cadaalada iyo garsoorka dalka si shacabku u helaan sinnaan iyo cadaalad.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in gobollada dalka ay ka billowdeen dagaallo looga soo horjeedo Al-shabaab oo uu ku sheegay inay dhibaatooyin ku hayaan shacabka ku nool deegaannada ay gacanta ku hayaan.

“Howlgallada socda waa kuwo lagu doonayo in dalka looga  xoreeyo Al-shabaab,  waxaanan shacabka ka doonaynaa inay gacan nagu siiyaan howlgalkaas oo ah mid ay dani ugu jirto dadka oo dhan” ayuu hadalkiisa ku daray.

Mudane C/weli Sheekh ayaa wuxuu hadalkiisan imaanayaa iyadoo howlgallo ay ka socdaan gobollada dalka qaarkood, kuwaasoo Al-shabaab looga qabsaday deegaano dhowr ah oo ka mid ah Gobolada Koonfur-galbeed ee Soomaaliya ku yaalla.





Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya