4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 1 , 2014
Ciidan Itoobiyaan ah oo Saldhigyo ka Sameystay Dhuuso-mareeb (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 01, 2014 (HOL) — Cutubyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya ee dhawaan ku biiray Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta duleedyada degmada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ka sameystay fariisimo ciidan.

Saraakiisha horkacaya ciidamadan Itoobiya ka socda ayaa kulamo la yeeshay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta degmada Dhuuso-mareeb, saraakiisha Ahlu-sunna iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Galguduud.

Guddoomiyaha degmada Dhuuso-mareeb, Macallin C/raxmaan Cali (Geedo-qorow) ayaa kulanka kaddib u sheegay warbaahinta inay ciidanka Itoobiya ee AMISOM ka tirsan ay saldhigyo ka sameysanayaan gudaha iyo daafaha magaalada, taasoo ay ka codsadeen sida uu sheegay maamulka iyo shacabka degmada.

“Ciidamada Itoobiya waxaan ka dalbanay inay naga caawiyaan sidi dagaalka aan kula jirno kooxda Al-Shabaab oo ku sugan qaybo ka mid ah gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya,” ayuu yiri Macallin Geedo-qorow.

Sidoo kale, guddoomiyaha Dhuuso-mareeb ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan in kooxda Al-shabaab laga saaro deegaannada ay uga sugan tahay gobolkaas oo horay ay ciidamada Itoobiya uga saareen, balse ay dib uga soo baxeen.

Ciidamadan ka socda dowlada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa waxay noqonayaa kuwii ugu horreeyay oo fariisimo ka sameysta degmadaas oo ay dhowr jeer oo hore qabsatay Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka mid ah ayaa waxay sheegeen inay dhawaan gobolada dhexe iyo kuwa Koonfureed ee Soomaaliya ka bilaabi doonaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaa waxay ka talisaa deegaanno iyo degmooyinka ay ka mid yihiin Ceelbuur iyo Ceel-dheer oo ka tirsan gobolka Galguduud xigana dhinaca Bari, iyadoo kooxdu ay dhowr jeer oo hore sheegtay iay iska difaacayso dagaal walba oo kaga yimaada dhinacyada kasoo horjeeda.

Dhanka kale, ciidammo Itoobiyaan ah oo fara badan ayaa waxay xalay gaareen degmada Guriceel ee gobolka Galguduud, halkaasoo ay fariisimo ka sameysteen, iyagoo saakayna bilaabay dhaqdhaqaaqyo ciidan.




Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya