4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 1 , 2014
Wafdi Wasiiro ah oo Maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee G/Bay

Sabti, Maarso 01, 2014 (HOL) — Wafdi wasiirro ah ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo ay ka socdeen xilliyadii ugu dambeeyay shirar iska soo horjeeda oo lagu dhisayo maamullo kala duwan.

Xubnaha wafdigan oo ka socda dowladda Soomaaliya ayaa waxay tiradoodu tahay toban wasiirro, waasiir ku xigeenno iyo wasiir-u-dowlayaal ah, iyagoo markiiba ka billaabay Baydhabo kulammo ay la yeelanayaan ergooyinka shirarka iska soo hor-jeeda ay uga socdaan Baydhabo.

Shirarka ka socda Baydhabo ayaa waxaa lagu kala doonayaa in lagu dhiso maamul-goboleed ka kooban saddex gobol, halka midka kalena lagu doonayo in lagu dhiso maamul-goboleed ka kooban lix gobol, taasoo muddaba lagu kala aragti duwanaa.

Wafdigan ay dowladdu u dirtay Baydhabo ayaa waxaa hoggaaminaya Aadan Saran-soor oo ah wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya, waxaana ay kulan la qaateen ergooyinkaku shirsan xarunta ADC-da Baydhabo kywaasoo ku doonaya shirkooda inay ku dhisaan maamul-goboleed lix gobol ka kooban.

Sidoo kale, qorshaha wafdigan ayaa lagu sheegay inuu yahay mid lagu mideynayo ergooyinka shirarka ku leh Baydhabo, maadaama dowladda Soomaaliya ay qabto in la sameeyo maamul-goboleed ka kooban saddex gobol, iyadoo wafdigan ay dadaal u geli doonaan inay labada ergo is-fahamsiiyaan.

Xubnaha wafdigan ayaa waxay sidoo kale shir la yeesheen ergooyinka ku shiraya hoteelka Bakiin ee Baydhabo, kuwaasoo qaba in la dhiso maamul goboleed saddex gobol ka kooban, iyadoo ugu dambeynna labada ergooyinka isku keeni doona.

Dhinaca kale, boqoashada wafdigan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli xarunta ADC-da Baydhabo ay ka socoto dhageysiga xubnaha khudbado ay jeedinayaan xubnaha isku soo taagay inay qabtaan hoggaanka maamulka Koonfur Goboleed.

Lama oga sida ay wasiirradan isku fahamsiin karaan ergooyinka fikrikoodu kala duwan yahay, iyadoo horay ay Baydhabo u tageen wafdi wasiirro ah oo ay hor-kacayeen wasiirrada arrimaha gudaha iyo gaashaandhigga Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya