4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 1 , 2014
Tahriibayaal ay Soomaali ku jiraan oo laga bad-baadiyay dhimasho

Sabti, Maarso 01, 2014 (HOL) — Ciidamada ilaalada xeebaha Liibiya ayaa bad-baadiyay in ka badan 100- ruux oo tahriibayaal  ah ,kuwaasi oo halis ugu jiray in ay doonidu la dagto, iyagoo doonayay in  Liibiya ay  kaga sii gudbaan Talyaaniga oo sanad walba ay gudaha u galaan muhaajiriin tiro badan.

"Todobo qof oo ka tirsanayd muhaajiriinta waxaa lagu tuuray badda si looga hortago in doonidu ay quusto "ayuu yiri Col. Ayuub Qaasim oo ku hadlayay afka dowladda  Liibaya,isagoo xusay in iminka ay gacanta ku hayaan tiradii kale ee la bad-baadiyay.

Waxaa kaloo masuulkan uu sheegay in tahriibayaashan oo ay ku jireen tiro Soomaali ah ay u badnayeen haween iyo caruur ,isla markaana iminka lala tacaalayo xaaladooda caafimaad ,iyadoo ay jiraan tiro kale oo sanad walba badda ku dhinta.

"Tahribayaashan waxaa lagu arkay meel aan wax badan ka fogayn xeebta Tripoli ,waxaana la helay maalinimadii khamiista iyaga oo halis ku jira," ayuu hadalkiisa ku daray Col. Qaasim oo wax laga xumaado ku tilmaamay dadka isku soo biimaynaya badda.

Dadka inta badan gudaha u gala Talyaaniga ayaa la sheegay in Soomaalidu ay ku badan-tahay, kuwaasoo inta ay safarka ku sii jiraan la kulma dhibaatooyin isugu jira dhac iyo kufsi loo gaysanayo dumarka qaybahood kala duwan.

Ugu danbayntii wadanka  Libya ayaa muddo ka badan labo sano ku jira xaalad kacsanaan ah ka dib markii talada dalka laga tuuray Qadaafi oo ahaa kaligi taliye waqti dheer soo maamulayay talada  Liibiya oo ah iminka halka tahriibayaal badan ay sii maraan marka ay ku socdaan Yurub.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]