4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 1 , 2014
Ciidan Itoobiyaan ah oo gaaray Guriceel, billaabayna dhaqdhaqaaq

Sabti, Maarso 01, 2014 (HOL) — Ciidammo fara badan oo Itoobiyaan ah ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa gaaray degmada Guriceel oo ka mid ah degmooyinka gobolka Galguduud ee ay ka taliso Ahlusunna Waljamaaca.

Degmada Guriceel ayaa waxaa horraantii bishii lasoo dhaafay gaaray ciidammo fara badan oo Itoobiyaan ah, kuwaasoo qayb ka ah AMISOM lana sheegay inay duullaan ku yihiin deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan tahay gobolka Galguduud

“Waxaa degmada soo gaaray ciidammo fara badan oo saldhigyo ka sameysatay afarta jaho ee degmada, waana ciidammo wata gaadiid dagaal oo kala duwan,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan maamulka Ahlusunna ee degmada Guriceel.

Sidoo kale, wararka laga helayo degmada Guriceel ayaa waxay sheegayaan inay ciidamadaas billaabeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan inay kaga saaraan Al-shabaab deegaannada ay gobolkaas kaga sugan tahay.

Gobolka Galguduud oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya ayaa waxay qaybo ka mid ah gacanta ku haysa Al-shabaab, iyadoo ciidamada Itoobiya ee gaaray gobolkaas ay ku sugan yihiin degmooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel.

Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti uu maalmo ka hor sheegay inay inay xoojinayaan dagaal ay la galaan xoogagga Al-shabaab ee Soomaaliya.

iidamada Itoobiya ayaa waxay ka mid noqdeen howlgalka ee AMISOM oo hoos-taga Midowga Afrika bishii koowaad ee sannadkan, iyagoo tan ioy xilligaas isku fidinayya gobollada ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya