4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 28, 2014
MUUN-GAAB: “Waxaan amarnay in la baari gaari kasta xitaa kuwa ciidamada”

Sabti, June 28, 2014 (HOL) — Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa amar ku bixiyay in baaritaanno lagu sameeyo baabuur walba oo ay saaran yihiin ciidammo hubeysan, isagoo xusay in gaadiidka dadweynah iyo kuwa ay ciidamadu wataan si isku mid ah loo baarayo.

Muun-gaab ayaa sheegay in si amniga loo xaqiijiyo ay tahay in la baaro gaadiidka oo dhan si looga hortago kuwa doonaya inay falalka ammaan-darro fuliyaan, isagoo xusay inay isku soo ekeysiiyaan ciidamada.

“Gaari walba oo ciidammo ay wataan waa in la joojiyo oo loo baaro sida loo baarayo kuwa ay dadka shacabka ah wataan, si looga hortago kuwa doonaya inay amniga wax u dhimaan,” ayuu yiri Muungaab.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa yiri: “Hay’adaha amniga waxaa ugu baaqayaa baabuur kasta inay joojiyaan oo ay baaraan, si loo ogaado dadka saaran iyo waxay yihiin. Haddii gaadiidka ay ciidamadu saaran yihiin la yiraahdo iska soco khatar ayaa ka imaan karta, marka waa in gaadiidka oo dhan si isku mid ah loo baaro.”

Duqa Muqdisho ayaa xusay inay dhici karto in kooxaha nabadda diiddan ay isku soo ekeysiiyaan ciidamada dowladda, gaadiidkoodana ay u ekeysiiyaan kuwa dowladda, isagoo xusay in iyagoo taas ka hortagaya ay amarayaan in la baaro gaari walba.

“Innagoo taas ka duulayna ayaan waxaa waddooyinka Muqdisho soo dhignay ciidan badan oo suga ammaanka, waxaana jiri doona koontaroollo dheeraad ah oo baaris lagu saameyn doono,” ayuu guddoomiyaha hadalkiisa raaciyay, inkastoo uusan ka hadlin inta ay socon doonaan baaritaannadan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa hadalkiisan kusoo beegay, iyadoo weerarada ka dhaca Muqdisho ay fuliyaan rag ku labisan dharka ciidamada dowladda; kuwaas oo ka tirsan xoogagga Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya