4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 28, 2014
Madaxweynaha oo sheegay inay diyaariyeen ciidan ka hortaga Amni Xumada

Sabti, June 28, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay diyaariyeen barnaamij loogu magic-daray nabad ku afur, kaasoo uu sheegay inuu yahay barnaamij lagu adkeynayo ammanka guud ee dalka, gaar ahaan Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in barnaamijkan uu yahay mid loogu talo-galay inay shacabka Soomaaliyeed si nabad ah ku afuraan, nabad ku joogaan, nabadna ay ku saxuuxtaan.

“Dowladda Soomaaliya waxay ka shaqeysay barnaamij - Nabad ku afur – waana mid nabadeed, waa barnaamij amni oo loogu talo-galay in shacabka Soomaliyeed ay si nabad ah ku afuraan, nabad ku joogaan, nabadna ku saxuurtaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Somalia.

“Al-shabaab waxay caadeysatay in xilliga Ramadaanka ay ummadda argagaxiyaan, afurka u diidaan ummadduna ay ka cibaadeysan waayeen ayaa sanadihii aan kasoo gudubnay caado u ahayd. Sidaa daraadeed dowladda federaalka arrintaas waxay ka gashay diyaar-garow aad u ballaaran,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ciidammo isugu jira qaybo kala duwan oo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM ayaa la sheegay in loo diyaariyay sugidda amniga Muqdisho inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Hay’adaha ammaanka dowladda ayaa dhawaan ku dhawaaqday qorshe lagu sugayo ammaanka Muqdisho, inta bisha Ramadaan lagu jiro, kaddib markii ay sheegeen in  Al-Shabaab ay qorsheynayso weeraro inay geysato inta bishan lagu jiro.

Xoogagga Al-shabaab ayaa marka la gaaro bisha Ramadaan waxay kordhiyaan dagaallada ay ka geysanayaan deegaannada ay dowladda Soomaaliya gacanta ku hayso, iyadoo mas’uuliyiintooda ay dhawaan ku dhawaaqeen inay fulin doonaan weerarro kala duwan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya