4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 28, 2014
Bilashada Bisha Ramadaan oo laga arkay Deegaanno ka tirsan Gobolka Sool


Sabti, June 28, 2014 (HOL) — Deegaanno ka tirsan gobolka Sool ayaa marqirib-nimadii caawa laga arkay bilashada bisha barakaysnayd ee Ramadaan, iyadoo maalinta berri ah ay noqonayso maalintii koowaad ee bishan Ramadaan.

Goobaha laga arkay bisha Ramadaan ayaa waxaa ka mid ah Awr-boogeys oo ka tirsan degmada Xudun, iyadoo ay si buuxda u arkeen bisha boqollaal qof oo ka mid ah dadka ku nool deegaankaas, waxaana HOL u xaqiijiyay aragtida bisha, Maxmed Maxamuud Cabdi.

Sidoo kale, waxaa laga arkay deegaanka Sarmaayo oo ka tirsan degmada Taleex ee gobolka Sool, iyadoo si bannaan ay bulshadu u wada qireen inay arkeen bisha wada arkeen, ayna dadkii kale ee deegaanka tuseen.

Degmada Xuddun ayaa waxaa bilashada bisha Ramadaan kaga dhaawaaqay Shiikh Axmed Sh. Cabdi, isagoo raacayay aragtida deegaannadaas laga arkay bilashada bisha Ramadaan.

Bishan ayaa ah mid guud ahaan culummadu ay isku raaceen dhalashadeeda taasoo meesha ka saaraysa in laba maalmood la kala soomo, sidii horay loogu arki jiray gobollada dalka Soomaaliya qaarkood.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool