4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 28, 2014
Jaamacadda Plasma oo Abaalmarin caalami ah la guddoonsiiyay (SAWIRRO)


Sabti, June 28, 2014 (HOL) — Jaamacadda Plasma ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa abaal-marin lagu guddoonsiiyay shirweyne caalami ah oo guddoomiyayaasha jaamacadaha adduunka ay ka qaybgaleen, kaasoo maanta lagu soo gaba-gabeeyay dalka Hindiya.

Shirkan oo ka dhacay magaalada Mumbai ayaa looga hadlay sidii loo caalamiyeyn lahaa waxbarashada adduunka Qarniga 21-aad, waxaana sidoo kale laga hadlay is-kaashiga ay u yeelan karaan Jaamacadaha Adduunka gaar ahaan dhanka waayo-aragnimada, cilmi-baarista iyo manaahijta.

Waxaa shirkan Soomaaliya uga qayb-galay guddoomiyaha Jaamacadda Plasma, Dr. Xasan Maxamed Xasan (Kaafi) oo ka mid ahaa guddoomiyeyaashii jaamacadaha ee shirweynahan ka hadlay.

Dr. Xasan Kaafi ayaa ka warbixiyay xaaladda waxbarashada sare ee Soomaaliya, gaar ahaan fursadaha iyo caqabadaha ka jira dhinaca waxbarashada sare ee dalka.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu faahfaahin ka siiyay madaxdii shirkaas ka qayb-galay guulaha ay ku tallaabsatay Jaamacadda Plasma oo haatan 14-sano jirsatay, isla markaana soo saartay arday badan oo ka howlgasha gobollada kala duwan ee Soomaaliya.

Jaamacadda Plasma ayaa sannadkii hore ku biirtay Midowga Jaamacadaha Afrika, iyadoo tani ay qayb ka tahay sidii ay wax ula qeybsan lahayd jaamacadaha kale ee adduunka, iyadoo waayo-aragnimada iyo iskaashiga jaamacadaha caalamiga ahna looga faa’iideyn lahaa ardeyda wax-ka-barata jaamacadda Plasma.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya