4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 28, 2014
Madaxweynaha Puntland oo Garoowe ku laabtay kaddib socdal muddo qaatay


Sabti, June 28, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayay oo safarro shaqana ugu maqnaa dibadda ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Gaas iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay madaxweyne ku-xigeenka  Puntland, C/xakiin C/llaahi X. Cumar, guddoomiyaha baarlamaanka, Siciid Xasan Shire, mas'uuliyiin ka tirsan golayaasha Puntland iyo saraakiil sare oo ciidamada ka tirsan.

Dadweyne aad u fara badan oo watay calamada Puntland iyo Soomaaliya ayaa ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyay madaxweynaha Puntland, iyagoo hadallo ay kusoo dhaweynayaan madaxweynaha ku dhawaaqayay.

Soo dhaweyn kaddib madaxwaynaha iyo mas'uuliyiintii la socday ayaa waxaa loo qaaday aqalka madaxtooyadda Puntland; iyadoo C/weli Gaas uu hadalkaas kula hadlay war-fidiyeenka ayaa wuxuu faahfaahin ka bixiyay socdaalladii uu dibadda ku aaday.

“Wuxuu socdaalkeennu la xiriiray sidii ay Puntland xiriirro ula yeelan lahayd dalal ka mid ah kuwa dariska iyo dalalka wanaaga iyo walaalnimadu naga dhaxayso, socdaalkaygii Imaaraadka wuxuu ahaa socdaal fiican, waxana la kulannay qaar madaxda dalkaas, waxayna noosoo dhaweeyeen si wanagsan,’’ ayuu yiri Gaas.

Isagoo sii hadlayay ayuu intaas ku daray: “Waxaan rajaynayaa xiriirkeennu inuu sababo isbedel dhab ah oo ka dhaca Puntland, wax badanna waan ku hashiinnay dowladda Imaaraatka Carabta.”

Dhanka kale, Gaas ayaa hambalyo u diray dadka Soomaaliyeed isagoona ugu hambaleeyay sannad-guuradii 54-aad ee kasoo wareegatay markii Soomaaliya ay ka xorowday gumeystaha, isla markaana ciida Soomaaliyeed calankeenna laga taagay.

“Runtii waxaan aad uga xumahay in meeshii calanka buluugga ah ee Soomaaliya la saaray maalintaas aysan maanta saarnay, balse uu saaran yahay mid kale oo aanu annagu midabkiisu garanayn,” ayuu yiri C/weli Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale hambalyo u diray shacabka iyo dowladda Jabuuti oo iyagu u dabaal-dagay shalay oo Jimco ahayd 37-sano guuradii kasoo wareegatay maalintii ay xoriyadda qaateen.

C/weli Gaas iyo wafdiga uu hoggaaminayay safarradii ay ku tageen Imaaraadka Carabta iyo Kenya waxay qayb ka yihiin tallaabooyin ay Puntland u qaadayso si dhinaca horumarka looga taageero.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya