4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 28, 2014
Banaanbax ka dhan ah dowlada iyo beesha caalamka oo Baydhabo ka dhacay


Sabti, June 28, 2014 (HOL) — Degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa ka socda bannaan-baxyo waaweyn oo looga soo horjeedo heshiiskii lagu saxiixay magaalada Muqdisho toddobaadkii lasoo dhaafay.

Heshiiskan oo ay saxiixeen, C/fataax Geeseey iyo Maxamed Mad-deer ayay ku sheegeen madaxda dowladda Soomaaliya inuu yahay mid lagu heshiisiinayay maamullada Koonfur-galbeed ee saddexda iyo lixda gobol.

Bannaanbaxa ayaa lagu cambaareeyay mas’uuliyiinta ugu sarreeya dowladda federaalka Somalia iyo beesha calaamka, iyadoo dibadbaxa ay ka qayb-galeen ganacsatada, aqoon-yahannada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha maamulka lixda gobol, Madoobe Nuunow Maxamed oo dibadbaxa ka hadlay ayaa shacabka ku boorriyay in la difaaco lixda gobal, bannaan-baxana lasoo gaba-gabeyn doono maalinta berri ah.

“Dibadbaxyadeenna waxaan soo gabagabeyn doonnaa berri, waayo waxaanu geli doonnaa maalmaha bisha barakeysan ee Ramadaan,” ayuu yiri Nuunow oo intaa ku daray inay ka go’an tahay reer Baydhabo inay ka hortagaan wax walba oo ka hor-yimaada maamulka ay dhisteen.

Golaha guurtida ee maamulka lixda gobal ayaa maanta waxay xilkii ka qaadeen, Malaaq Malabow Xasan Keeroow iyo Suldaaan Buube, kuwaasoo ka qayb-galay shirkii Muqdisho ka dhacay.

Bannaanbaxa maanta ayaa waxaa horkacayay ciidamada madaniga ah ee lixda gobol, waxayna socad ku mareen dhammaan waddooyinka; iyadoo qaar ka mid ah wasiirrada maamulkan ay ku dhex-jireen dadka dibadbaxa dhigayay.


Hiiraan Online, Baydhabo