4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 28, 2014
XISBIGA DADKA: "Gobanimadii la Qaatay loogama Faa’iideysan sidii la rabay


Sabti, June 28, 2014 (HOL) — Xisbiga DADKA oo ka mid ah xisbiyada dalka ka jira ayaa warbixin uu soo saaray kaga hadlay maalmaha xorriyadda Soomaaliya, isagoo sheegay in xorriyaddii dalka la gaarsiiyay laga doortay in dhibaatooyin aan dhammaad lahayn uu dalku dhex-qotomo.

Guddoomiyaha xisbiga DADKA, Dr. Siciid Ciise Maxamuud oo warsaxaafadeedka ayaa hadalkiisa ku billaabay. “Anigaoo ku hadlaya magaca xisbiga DADKA oo ka mid ah asxaabta siyaasadeed ee dalka, waxaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u soo gudbinayaa hambalyada lagu xusayo maalinta mudan farxada oo ah 01-da Luuliyo oo ku aaddan sannad-guurada 54aad ee markii ay Soomaaliya ka xorowday gumeystaha reer Yurub oo madax-bannaanidooda ay u xayuubsadeen 1960-kii. Gobonimada la qaatay 1960-kii waxay ahayd mid aan dhamemyn, maxaa yeelay dalka hoggaankiisa waxaa isaga dambeeyay madax haybta ka ah Soomaali, hab-dhaqankooduna ka liito gumeystayaashii dalkan soo maray.”

Dr. Saciid ayaa intaas ku daray. “Inkastoo dalkeennu uu helay aqoonsi caalami ah uuna yahay dal madax-bannaan, haddana marna ma suuroobin in Somalia ay gaarto madax-bannaani dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada ah, waxaa taas sabab u ah ah madaxda dalka hoggaaminaysay oo aan xor ka ahayn maskaxda, shacabkana baday inay marxalado kala duwan soo maraan dantooda ay u magan-galaan u adeegidda shisheeyaha.”

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay madaxdii dalka soo maray ay ka ahayd uun inay dantooda gaaraan, balse aysan raadinayn maslaxadda dadka Soomaaliyeed, waxayna talooyinkooda kusoo bandhigaan mid lagu muujinayo in ay wadato madaxda dowladda dalka, iyaguna ay taageersan yihiin.

“Dalka Soomaaliya waxaa hadda lasoo gudboonaatay in dalalka dariska la ah iyo kuwa fog-fogba oo adeegsanayo hay’ado caalami ah iyo kuwa u abaabulan qaab-goboleedka ay madaxda Soomaalida u soo yeeriyaan go’aannada ay rabaan oo ka turjumaya maslaxdooda. Waxay madaxda dowladdu ku guul-dareysteen inay dib u soo celiyaan maamullada dalka intiisa kale ka xarig furtay iyo maamul loo sameeyo gobollada aan maamullada lahayn oo shacabka deegaankoodu ay soo doortaan, kuna soo xushaan rabitaankooda. Waxaa dalka dib uga curan waayay amniga iyo kala dambeynta sharciga, waxayna taas ku dhalisay in shacabkeennu aysan dowladdu ku shaqeynayn rabitaankooda, laakiin ay doorbideen madaxdu kalsoonida ay ka helayaan shisheeyaha oo ay ku shaqeeyaan sidii u meel marin lahaayeen rabitaankooda,” ayuu guddoomiyuhu mar kale ku yiri warkan.

Isagoo sii hadlaya ayuu sheegay in sababaha arrimahaas ku kallifaya madaxda inay tahay inay shacabka Soomaaliyeed u arkaan inay yihiin sabool aan maanta canshuur laga dhargo haysan, sidaas daradeedna si ay korsigooda u ilaashadaan una helaan abaalmarin dhaqaale ayay door-bideen inay u howlgalaan fulitaanka rabitaanka shisheeyaha.

Dalalka ugu awoodda weyn beesha caalamka waxay talo-wadaag ku gaareen in Soomaaliya loo nugleeyo dalalka dariska la ah kuna xiran danahooda, waxayna gaarista ujeeddooyinkooda u soo mareen inay meel mariso hay’adaha caalamka iyo kuwa gobollada oo ay dhaqaale badan ugu maal-geliyaan mashruucyada lagu naas-nuujinayo shaqsiyaadka iyo kooxaha laga leeyahay qorshaha fog oo lagu higsanayo dhalan-rogga iyo dhaqan-rogga bulshada.

Xisbiga DADKA ayaa sheegay in madaxda hadda maamusha Soomaaliya ay hor-muud uga noqdeen dalka inuu ku noolaado dhibaatooyinka hadda jira. Taasoo ku ah dhagar aan qarsoonayn gobanimadii la doonayay in Soomaaliya ay isku maasho oo ay aayaheeda mustaqbalka ay si buuxda uga tashato.

“Fashilka ay kala kulmeen hoggaaminta Soomaaliya waxay dalka dhaxal-siisay marxalad adag oo ay dalka dib ugu soo xoogeystaan joogitaanka ciidamada ka socda dalalka dariska ah, dagaallo ay sababeen maamul-xumida dowladnimada, macluul iyo gaajo haysata dadka, dhulka Jamhuuriyadda oo ah dhaxal ay iyagu leeyihiin Soomaalida, iyadoo ay muuqato hadda in dhulka beelo loo kala yeesho iyo barakicin Soomaalida looga sifeynayo dalka Kenya. Waxaa hubaal ah inay dhumiyeen kalsoonida shacabka, tan bulshada caalamka iyo midda dhexdood ah.”

Warsaxaafadeedka xisbiga ayaa lagu sheegay inay ka digaynaa in xalka laga baadi-goobo xoog salka ku haya beelnimo oo soo dadajinaysa burbur dowladda ku yimaada iyo iny abuurmaan xasarado soo celiya dagaallo dhexmara beelaha wada-dega oo masiibooyin dhaliya. Inkastoo dowladda lagu soo dhisay hab beel, haddana cid walba oo ka tirsan dowladda waxay u xuubsiibatay mas’uul Qaran oo wadasheyn ay kala dhexeyso madaxda hay’adaha dowladda oo keliya.

Ugu dabeyn, warsaxaafadeedka ayaa lagu soo gunaanaday dhamaan dhibaatada Somalia ka taagan waxay kusoo biyo shubanaysaa hoggaan-xumida madaxda sare ee dalka. Waxaa meesha ka maqan geesinimada ay madaxdu ku qaadan tallaabo ah inay u hogaansamaan guul-darada ka dhalatay talo-xumadooda oo ay xilalkooda iska casilaan, una tanaasulaan sidii ay dowladda jirta u sii hano qaadi lahayd.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya