4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 28, 2014
Ergaygii Dowladda Maraykanka ee Bariga Dhexe Martin Indyk oo is–casilay


Sabti, June 28, 2014 (HOL) — Ergaygii Maraykanka u qaabilsanaa wadahadallada Israa'iil iyo Falastin Martin Indyk ayaa is casilay ,ka dib markii uu ku guul-daraystay  xal u helidda khilaafka sii kordhaya ee labada dhinac ka dhaxeeya.

Wakaalada Reuters ayaa sheegtay in la sii filayay is-casilaadda masuulkan, wuxuu dib ugu laaban doonaa Washington si looga dhagaysto waxyaabaha keenay fashilkan siyaasadeed  ee ku yimid wada hadaladii socday.

Jane Ferguson oo ah wariyaha Aljazeera ee Ramallah ayaa iyadana sheegtay in iscasilaaddan aysan la yaabin dadka ku nool magaaladaas, xilli ay dowladda Israel  ka dhaga adeegayso is-baalirin-tooda Gaza.

“Waqtiga kama danbaysta ee wada hadalada waxa ay ahayd in ay dhacaan dhamaadka bishii April ,balse waa ay bur-bureen ,waana sababta keentay in aysan dadku la yaabin is-casilaaddan,” ayay tiri Forgoson oo halkaa kasoo waranta.

Duqeyn dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha Israel ayaa lagu dilay maalinimadii shalay ahayd laba ruux oo falastiiniyiin ah, iyadoo tiro intaas ka badanna ay ku dhawacmeen sida la xaqiijiyay ,waxaana duqayntan lala beegsaday gaari marayay meel ku dhow kaam qaxooti oo ku yaalla Gaza.

Ugu danbayn, xiisadaha laba dhinaca ka dhaxeeyay ayaa sii kordhayay sanadihii dambe, waxaana dowladda Israel ay sheegtay in  kooxaha mucaaradka ah ay inta badan gantaalo ku soo weerarareen xadka Israel, taasoo sii kordhisay khilaafkan xalka loo la’ayahay ilaa iyo hadda.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]