4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 28, 2014
Booliiska Kenya oo toogasho ku dilay 1,000 qof shantii sano ee lasoo dhaafay

Sabti, June 28, 2014 (HOL) — Booliiska dalka Kenya ayaa toogasho ku dilay 1,000 ruux muddo shan sano ah gudahood, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray urur madax-bannaan oo ka shaqeeya caafimaadka kana howlgala dalka Kenya.

Ururkan IMLU ayaa ciidamada amniga Kenya ku eedeeysay dhimashada inta badan dadkii ahaa 1,873 qof oo ku dhintay shilal la xidhiidha hub intii u dhexeeysay 2009 iyo 2013, sida uu qoray wargeyska The Standard ee kasoo baxa Kneya.

"In ka badan 60% ayaa laga gudbaa iyagoo aan bixin sababihii keenay inay qofka toogtaan ama xaaladdii kaliftay inuu askarigu hubka lasoo baxo," ayuu yidhi Eric Thuo oo ah mas'uul ka tirsan IMLU kana mid ah saraakiishii daraasadda sameeyay.

Eric Thuo oo sii hadlayay ayaa yiri: "Waa hal-ku-dhig inaan maqalno tuhmanaha ayaa rasaas nagu soo furay oo wiilasheenna ayaa xabbad ugu jawaabay ama qofka la tuhmayo ayaa qori ula soo baxay askarteenna."

Warbixinta ayaa muujisay in dhallinyarada da'doodu u dhexeeyso 20-ka illaa 29-ka sano ay u badan yihiin dhibanayaasha ku dhinta xabbadaha. In ka badan 86% oo dhimashada guud ah ayaa ka timid is-rasaaseyn ka dhacday Nairobi.

Dhanka kale, booliiska ayaa shaaciyay inaysan dib dambe uga tiirsanaan adeegga sirdoonka Qaranka (NIS) si ay warbixin uga helaan jariimooyinka, laakiin ay taas ay ku bedelayaan ballaarinta laanta sirdoonka dambiyada (CIU) si ay xogta sirdoonka u ururiyaan.

Tani waxay timid markii weerarro waaweyn ay dhawaan ka dhaceen Kenya saraakiil booliiska ka tirsan lagu eedeeyay inay ku fashilmeen ka hortagga weerarradaas iyo inay fulin waayeen digniinihii sirdoonka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya