4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 28, 2014
AMISOM & Mareykanka oo ka digay weeraro ka dhaca Muqdisho Ramadaanka

Sabti, June 28, 2014 (HOL) — Qoraallo ay soo kala saareen AMISOM iyo Mareykanka ayaa looga digay weerarro argagaxiso oo ay Al-shabaab ka geysato magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan; iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay feejignaan dheeri ah muujintaan inta lagu jiro Ramadaanka.

Mareykanka iyo AMISOM ayaa qoraalkooda ku sheegay inay hambalyo u dirayaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta, tasaoo ku aaddan bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan oo lagu wado inay berri billlaabto.

AMISOM iyo Maraykanka ayaa ku dhiirri-galiyeen shacabka muslimiinta ah gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed inay faai’daysataan wajibaadka bisha Ramadaan; iyagoo ka fogaanaya wax kasta oo diinta Islaamku ay mamnuucday iyo waxyaabaha qal-qal-gelin kara ammaanka Soomaaliya.

Dingiintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo Al-shabaab ay sheegeen inay sare u qaadayaan weerarrada ay ku hayaan dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee dalka ku sugan, iyagoo shacabka uga digay inay u dhawaadaan meel walba oo ay degen yihiin dowladda iyo AMISOM.

Booliiska Soomaaliya ayaa maalmo ka hor sheegay inay ka hortagayaan weerarro walba oo kaga yimaada dhinaca Al-shabaab, iyadoo afhayeenka booliiska uu ku sheegay war uu saxaafadda siiyay inay ciidammo badan oo amniga suga la keenay Muqdisho.

Dhanka kale, waxaa jira warar ay shacabku isla dhexmarayaan oo ah inay 30-ka maalmood ee Ramadaanka ay dhici karaan qaraxyo waaweyn oo dhibaatooyin ay kasoo gaarto shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, xukuumadda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa labaduba waxay mid ka yihiin in berri oo Axad ah ay billaabanayso bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoo ugu baaqay muslimiinta ah inay u diyaar garoobaan gudashada Ramadaanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya