4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 28, 2014
Madaxweynaha Somalia oo hambalyo u diray Shacabka iyo Dowladda Jabuuti

Sabti, June 28, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan sannad-guuradii 37-aad ee xorriyadda dalka Jabuuti wuxuu u diray shacabka iyo dowladda Jabuuti.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay farxad u tahay maalinta xorriyadda ay walaalaha Jabuuti la qaybsadaan, isagoo intaas ku daray inuu u rajeynayo horumar iyo guul.

“Toddobaadkan waxaa la yiraahdaa toddobaadkii xorriyadda iyo sharafta Somalida meel walba ay ku nool yihiin, waxaan u hambalyeynayaa walaalaheen reer Jabuuti, waxaan leenahay hambalyo, waan idinla wadaageynaa farxadda, waxaanu leenahay guuleysta karaamo iyo sharfna ku noolaada, ummadda Soomaaliyeedna abaal ayaad ku leedihiin,” ayuu madaxweynuhu ku yiri qoraal uu xafiiskiisa kasoo saaray.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ummadda Soomaalida ah maalmahan u tahay maalmo ciid ah; isla markaana ay dabaal-degyo ka wadaan meel walba ay dunida ka joogaan.

Magaalada Muqdisho ayaa 26-kii Juun waxaa lagu xusay maalintii ay xorriyadda qaateen gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena ay soo aaddan tahay 01-da Luuliyo oo ah maalintii ay gobollada Koonfureed xoroobeen ayna isku biireen labada gobol oo noqday  Soomaaliya.

Dalka Jabuuti ayaa xorriyaddiisa ka qaatay 27, Juun 1977, iyagoo ka xoroobay Faransiiska oo muddo dheer xukumayay, iyadoo toddobaadkan uu yahay toddobaadka xorriyadda dalalka Soomaalida ee Bariga Afrika.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya