4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 31, 2014
Faah-faahin Booqashadii Madaxweynuhu ku Tagay Garbahaarey (SAWIRRO)


Khamiis, July 31, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho aan horay loo sheegin ku tagay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, isagoo sheegay in xaalad nolol xumi ah ay soo wajahday dadka ku nool degmadaas, wuxuuna beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed uu ugu baaqay inay gargaar bani’aadamnimo oo deg-deg ah la gaaraan shacabka ku nool degaannadaas.

Xasan oo socdaalkiisa ay ku wehliyeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa socdaalkoodu wuxuu ahaa mid uu ugu kuur galayeen xaaladda nololeed ee ka jirta gobolka Gedo, iyagoo dib ugu soo laabtay Muqdisho maanta gellinkii dambe.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garbahaarey ayaa la kulmay maamulka degmada, saraakiisha ciidamada, odayaasha dhaqanka, dhallinyarada, haweenka iyo dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan. Intaa kaddib wuxuu socod ku maray qaybo ka mid ah.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tagay xero ay ku jiraan askar ka tirsan ciidamadda xoogga dalka oo tiradoodu ay ka badnayd kun askari, isagoo ku ammaanay sida ay uga adkaadeen Al-shabaab iyo sida ammaanka gobolka uga shaqeynayaan.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay u gargaaraan walaalahood ay lasoo gudboonaatay xaaladda nololeed oo ka dhalatay abaaraha dalka ka jira. Sidoo kale hay’adaha samafalka ee caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ayuu ugu baaqay inay gargaar gaarsiiyaan dadkaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in madaxweyne Xasan uu yahay noqonayo kii labaad oo abid booqasho ku yimaada degmada Garbahaarey, iyagoo ka mahadceliyay booqashadiisa. iyadoo booqashadan ay imaanayso xilli uu madaxweynuhu kusii jeedo dalka Mareykanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya