4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 31, 2014
Golaha Wasiirrada oo Maanta Dhageystay War-bixinno la Xiriira Ammaanka


Khamiis, July 31, 2014 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan ay galabta yeesheen warbixin ku saabsan xaaladda ammaan ee Somalia looga dhageystay wasiirka amniga Qaranka iyo Taliyeyaasha ciidamada xogga dalka, booliiska iyo nabad-sugidda.

Wasiirka Amniga, Khaliif Axmed Ereg oo ugu horreyn warbixin siiyay golaha wasiirrada ayaa yiri. “Howlgallo ay sameeyeen ciidanka amniga oo shacabka Soomaaliyeed kaashanaya waxaa lagu soo qabtay 67 ruux oo la tuhmay, 13 ka mid ah waa qirteen inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, kuwa kalena baaris ayaa weli lagu hayaa. Sidoo kale waxaa la fashiliyay shabakado Al-shabaab ka tirsan oo ka dhisnaa degmooyin ka mid ah Muqdisho, Saddex ruuxo oo ka mid ahaana waa la dilay, intii kalena gacanta ayaa lagu soo dhigay. Iyadoo laga hortagay qaraxyo la doonayay in lagu bartilmaameed xarumo muhiim ah,” ayuu yiri wasiirka Amniga Qaranka

Ra’iisu wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa boggaadiyay dadaalka ay sameeyeen ciidamada ammaanka, wuxuuna xusay in qorshaha wax looga qabanayo ammaanka uu yahay mid ay ciidamada iyo daweynaha Soomaaliyeed kawada qayb-qaadanayaan si looga hor -tago khatarta ay la imaan karaan kooxaha nabadda diiddan.

“Xukuumaddu waxay xoogga saaraysaa in dalka laga xoreeyo cadowga, isla markaana la sugo ammaanka. Howlgalladii u dambeeyay ee ciidammadu ay ka sameeyeen Muqdisho waxaa looga guuleystay burburinta goobo cadowgu iska soo abaabuli jiray. Tanina waxay markhaati u tahay gacanta aynu ka helayno shacabkeenna,” ayuu yiri C/weli Sheekh.

Afhayeenka xukuumadda, Ridwaan Xaaji C/weli oo kulanka kaddib la hadlay saxaafadda ayaa xusay in kulanka warbixino looga dhageystay taliyeyaasha ciidamada xoogga, booliiska iyo nabad-sugidda.

“Waxaa laga hadlay tallaabooyinka xilligan ay ku howlan tahay dowladda, waxaana warbixinno laga dhageystay taliyeyaasha xoogga, booliiska iyo nabad-sugidda, waxayna soo bandhigeen qaabka wax looga qaban karo amniga dalka iyo tayeynta ciidamada,” ayuu yiri Ridwaan Xaaji.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in dib-u-habeyn lagu samayn doono ciidamada nabad-sugida si kor loogu qaado sugidda ammaanka iyo tayada ciidamada, sidoo kalana taliyaha booliiska ayaa tilmaamay in dhawaan ay ka filiyaan QM inay tababarro u furto ciidammo ka tirsan booliiska Somalia.

Dood dheer kaddib waxaa la isku raacay in la adkeeyo amniga maadaama Al-shabaab jab weyn loo geystay, lagana fili karo inay fuliyaan falal argagax iyo dhib joogta ah u keeni kara shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya