4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 31, 2014
AMISOM: "Waan ku dadaalaynaa in Cudurka Ebola uusan soo gaarin Somalia"


Khamiis, July 31, 2014 (HOL) — Iyadoo ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya ay ku jiraan ciidammo ka socda dalka Sierra Leone oo cudurkan halista ah ee Ebola uu ka dillaacay dad badanna ku dilay, ayaa waxaa arrintan ka hadlashay AMISOM.

Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad oo u warramayay VOA-da ayaa sheegay inay dadaal weyn ugu jiraan sidii cudurkan uusan Somalia uga soo celin dhinaca ciidamada Midowga Midowga Afrika.

“Somalia dhibaatadii horay uga jirtay ayaaba ku filan, Ilaahay middaas haka fududeeyo… Annagu haddaan AMISOM nahay waxaan dadaal xooggan ugu jirnaa sidii cudurkan looga hortegi lahaa in cudurkan uu Somalia soo gaaro,” ayuu yiri Col. Xumad.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray in ciidamada Sierra Leone ka socda ay ahayd in laba bilood ka hor lagu soo bedelo ciidammo kale, waayo markii ciidammadu ay muddo joogaan waa la bedelaa, balse go’aan lagu gaaray in arrintaas la joojiyo oo ciidamadan aysan bixin kuwo kalena aan la keenin si looga hortago cudurkan.

“Ciidamada Sierra Leone ka socda ee ka tirsan AMISOM inay safar ku tagaan dalkoodii si ay u soo nastaan ayaa iyadana ka mid ah waxyabaha la joojiyay, waana dadaalaynaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Col. Cali Aadan.

Afhayeenka AMISOM ayaa intaas ku daray in markii horeba baaritaanno lagu sameyn jiray ciidamada AMISOM ee Soomaaliya la keenayo si loo hubiyo inuu cudur-qabo, waayo askariga howlgalka kama qaadan karo askari xanuun hayo.

“Haddii cudurkan uu soo gaaro Soomaaliya, geeska Afrika oo dhan ayuu ku baahayaan, dhibaatadii Soomaliya ku dhacdana waa mid dalalka gobolka oo dhan ku dhacaysa, marka mas’uuliyiinta AMISOM iyo Midowga Afrika waxay ka qabaan feejignaan dheeraad ah,” ayuu mar kale yiri afhayeenka AMISOM.

Mar la weydiiyay su’aal ahayd waxa uga qorsheysan dadka dalka soo galaya maadaama ay joogaan irdihii Soomaaliya laga soo galayay si ruux cudurkan qaba uusan dalka u soo gelin, ayaa wuxuu kaga jawaabay inay qof walba oo soo galaya dalka ay weydiiyaan inuu tallaal qabo, isagoo xusay in howshaas hubinta ay si wadajir ah u wadaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Somalia ee waaxd socdaalka jooga.

“Soomaaliya meelo badan ayaa laga soo geli karaan, balse haddii ay dalalka dariska la ah Soomaaliya ay xoojiyaan dadaallada ay uga hortagayaan inuu dalalkooda soo galo qof cudurkan qaba, waxay ila tahay in Soomaliyana ay ka badbaadi doonto,” ayuu Col. Xumad hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in loo baahan yahay inay wada-shaqeyn xooggan dhexmarto ciidamada dowladda Somaaliya iyo kuwa AMISOM si looga hortago cudurkan iyo kuwo kale oo dhibaato sababi kara.

Hadalka afhayeenka AMISOM ayaa kusoo beegmaya iyadoo warbixintii ugu dambeysay ee WHO ay kasoo saartay dadka cudurkan u geeriyooday ay ku sheegtay inay gaarayaan 729-qof.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya