4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 31, 2014
Wasiirka Arimaha Gudaha oo ka warbixiyay heshiiska Muqdisho lagu saxiixay


Khamiis, July 31, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Somalia, C/llaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay heshiiskii shalay Muqdisho lagu saxiixay ee la doonayo in maamul KMG ah loogu sameynayo gobollada Galguduud iyo Mudug.

Goodax ayaa sheegay in heshiiskaas uu ahaa mid lagu guuleystay oo maamul mid ah loogu sameeyo labadan gobol, isgaoo intaas ku daray inay jiraan dad cabashooyin qaba oo ay ku howlan yihiin sidii ay u qancin lahaayeen.

“Heshhiiskan waa mid la damacsan yahay in la hirgeliyo, waxaana qodobbadiisa ka mid ah; in la sameeyo maamul dadku u wada dhan yahay, in la dhiso guddi farsamo oo soo jilciya qodobbadii aan heshiiskn hordhaca ah looga hadlin, kaddibna shirweyne loo qabto maamullada deegaannadaas ka jira,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha oo u warramayay VOA-da.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha ayaa xusay in shirka la qabanayo looga hadli doono arrimo badan oo ay ka mid yihiin; magaca la qaadanayo, halka caasimad u noqonaysa, xeerka uu maamulkan yeelanayo iyo qaabka loo wada-shaqeynayo.

Mar la weydiiyay wasiirka in heshiiskn ay kasoo horjeesteen maamul ka mid ah kuwa ka jira gobollada dhexe oo lagu magacaabo Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay inuusan maleynayn inuu jiro maamul ka jira gobollada dhexe oo ka soo horjeeda qodobbada guud, balse ay dhici karto in waxyaabo kale la isku diiddan yahay.

“Waxaa jirta waxyaabo dadka qaarkood la cuslaaday oo aan wadno howshii aan xal uga gaari lahayn,” ayuu yir wasiirka ayaa la weydiiyay qodobbadaas, isagoo ku jawaabay inay wanaagsan tahay inay waxyaabahaas xilligan iska asturnaadaan.

Su’aal ahayd in dowladdu ay doonayso in qorshaheeda mamul dhisidda uu yahay sidii ay ula hortegi lahayd kulan ka dhici doona magaalada Copenhagen ee dalka Denmark inay maamulladii gobollada qaarkood dhistay, ayaa ku jawaabay.

“Arrintaas waxba kama jiraan… runtiina xukuumaddu kuma shaqeyso in shir wax loo diyaariyo, waayo sidaas la socoto ummaddu waxay xukuumadda ka sugayaan hal arrin oo ah in inta ka horreysa bisha Ogoosto 2016 ay dalka ka dhacdo doorasho ay shacabku kusoo dooranayaan xubnihii baarlamaank ku mateli lahaa, taas ayaana nagu qasabtay inaan dhisno maamullo KMG ah, markaas kaddibna waxaan geli doonnaa howlihii kale ee noo yaallay oo ay ka mid yihiin dhismaha asxaabta siyaasadeed.”

Ugu dambeyn, mar la weydyiiyay wasiirka in habka ay dowladdu ku dhisayso maamul goboleedyada ay qaldan tahay ayaa wuxuu sheegay inaysan qaldanayn mar haddii la sameynayo maamullo KMG ah, dhismaha maamulladana waa mid waafaqsan dastuurka dalka.

Dhanka kale, madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb C/llaahi Baarleex iyo mas'uul u hadlay Ahlusunna oo lagu magacaabo Sheekh C/risaaq Al-Ashcari oo iyaguna VOA-da la hadlay ayaa sheegay inay heshiiskaas kasoo horjeedaan, iyadoo madaxweynaha Ximan iyo Xeeb uu sheegay in maamulkiisa lagu been abuurtay markii la saxiixayay heshiiska.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya