4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 31, 2014
Prof. Jawaari oo ka hadlay shir looga Hadlayay Dimuqraadiyeynta Soomaaliya


Khamiis, July 31, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo uu wehliyo ku xigeenkiisa, Mahad Cabdalla Cawad ayaa khudbad ka jeediyay shir looga hadlayay dar-dar-gelinta dimuqraadiyeynta Soomaaliya, iyadoo shirkan ay ka qaybgaleen ergo ka badan 400 oo ruux.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Trondheim ee dalka Norway ayaa waxaa ka qayb-galay isla markaana khudbad ka jeediyey ra’iisul wasaarihii hore ee Norway, Bendevic oo isagu khudbaddiisa uga hadlay doorka ay Norway ku laheyd hir-gelinta hanaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya iyo taageerrada ay ku doonayaan in lagu dar-dar-geliyo dimuqraadiyadaas, isagoo si gaar ah u xusay in Soomaaliya ay ka taageerayaan arrimaha xisbiyada siyaasadeed iyo doorashooyinka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey shirka ayaa faahfaahin ka bixiyey xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan shaqooyinkii uu qabtay baarlamaanka labada sano ee jiro iyo daruufaha adag ee lagu shaqeynayo. Sidoo kale wuxuu ka hadlay qorshayaasha ay hiigsanayaan oo ah in dalkan la gaarsiiyo 2016-ka doorasho xor ah taasoo uu xusay inay ka tahay go’aan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Prof. Jawaari ayaa kulan la qaatay guddoomiyaha magaalada Trondheim, Rita Ottervik oo uu kala hadlay xaaladda guud ee muslimiinta ku nool magaaladaas, si gaar ahna dadka Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya