4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 31, 2014
Wasiirka arrimaha dibadda oo la kulmay guddiga A. dibadda ee baarlamanka


Khamiis, July 31, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda Somalia, C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay guddiga u qaabilsan baarlamaanka Soomaaliya arrimaha dibadda, iyadoo kulankan looga hadlay dib u habeynta safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay caalamka.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaayeen guddoomiyaha guddiga u qaabilsan baarlamaanka, xildhibaan C/qaadir Cali Cosoble, ku xigeenkiisa, xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, xogheynta iyo xubno kale oo xildhibaanno ah.

Guddiga iyo wasiirka arrimaha dibadda ayaa kulankan uga dooday hindisaha ay ku doonayso wasaaradda inay wax uga bedesho, dib u habeynna weynna ku sameyso dhammaan safaaradaha, safiirrada, dublamaasiyiinta iyo u-qaybsanayaasha ganacsiga, milatariga iyo waxbarashada.

26-kii bishan ayay golaha wasiirrada meel-mariyeen in la yareeyo tirada safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay caalamka, iyadoo tirade guud ee safaaradaha laga dhigayo 28 safaaradood iyo saddex qunsuliyad, iyadoo safiir walba ay la shaqeyn doonaan saddex dublamaasa, iyadoo si KMG ah loo xiri doono illaa iyo sagaal safaaradood.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle oo qabtay kulanka kaddib shir jaraa’id ayaa yiri: “Go’aanka wasaaraddu wuxuu ahaa mid si weyn loo baaraan-dagay, laguna saleeyay dhaqaalaha Qaranka. Intii uu dalku burburka ku jiray jiray waxaa iska furmay safaarado, iyadoo taas laga duulayo madaxda Qaranku waxay go’aamiyeen in dib u eegis lagu sameeyo arrintaas, si loo suuro-geliyo hanashada safiirka iyo baahidiisa, loona ilaaliyo sumcadda iyo karaamada Qaranka.”

Madaxa guddga arrimaha dibadda ee golaha baarlamaanka, C/qaadir Cali oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay talo iyo fikir is-weydaarsadaan iyaga iyo wasiirka arrimaha dibadda Somalia oo ku aaddan wax ka bedelka safaaradaha lagu sameynayo, lana dhaqan-geliyo sharciga shaqaalaha dibadda oo baarlamaanka uu ansixiyay bishii July, sannadkii 2013-kii, si sharcigaas uu u noqdo saldhigga dib u habeynta safaaradaha iyo xubnaha ka howlgala, iyadoo la eegayo xaaladaha dhaqaale iyo midda siyaasadeed ee dalka.

Xildhibaan, C/qaadir Cosoble ayaa xusay in wasiirka ay wax ka weydiiyeen hantida Qaranka ee dalka dibaddiisa taalla iyo arrimo kale oo muhiim u ah dalka, isagoo sheegay inay la shaqeynayaan wasaaradda arrimaha dibadda maadaama ay tahay muraayadda laga dhex arkayo Qaranka Soomaaliyeed.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka, xil. Maxamed Cumar Dalxa oo isna hadlay ayaa sheegay inay taageersan yihiiin habka shaqo ee wasaaradda ay wax uga badaleyso nidaamka shaqo iyo kan shaqaale ee safaaradaha ,lana yareeyo tirada safaaradaha dibadda.

“Waxaa dib u eegis lagu sameyn doonaa dhammaan dublamaasiyiinta si loo xoojiyo siyaasadda dibadda, lana helo safiirro iyo dublamaasiyiin muuqaal waddaninimo, dal jaceyl, midnimo jaceyl iyo sumcad leh, lana eego tayada , waxtarka iyo mas’uuliyadda uu ku matalayo magaca Qaranka,” ayuu yiri Prof. Dalxa.

Ugu dambeyn, Prof. Dalxa wuxuu xusay in wasaaradda arrimaha dibadda ay ka soo siidaysay dalka Iiraan maxaabiis Soomaaliyeed oo halkaas in muddo ah ku xirnaa, isagoo ammaanay qorshayaasha wasaaraddu ay xad ugu yeeleyso baasaboorka dublamaasiga, diyaarinta sharciga maal-gashiga dibadda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya