4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 31, 2014
Maamulka Gobolka Banaadir oo soo Bandhigay Qorshaha Xasilinta Muqdisho


Khamiis, July 31, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa wasiirro iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda Soomaaliya u soo bandhigay qorshaha lagu xasilinayo magaalada Muqdisho.

Qorshahan ayaa waxaa soo diyaariyay guddiga amniga gobolka Banaadir oo uu horkacayo Muun-gaab, iyadoo qorshahan uu yahay mid lagu doonayo in looga hortago falalka amni-darro ee ay Al-shabaab geysanayso.

Kulankan oo ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa xubnihii ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa: wasiirrka gaashaandhigga, Jen. Maxamed Sh. Xasan Xaamud iyo wasiirka amniga Qaranka, Khaliif Axmed Ereg, waxaa kaloo ka mid ahaa; agaasimaha hay’adda nabad-sugidda, C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), taliyaha ciidamada booliska, Jen. Maxamed Sh. Xasan, guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka, Col. C/raxmaan Maxamed Tuuryare iyo saraakiil kale.

“Qorshahan waa mid lagu doonayo in lagu xasiliyo Muqdisho, loogana hortago falalka ammaan-darro ee ay geysanayaan kooxaha nabadda kasoo horjeeda, waana qorshe dhameystiran,” ayuu yiri Muun-gaab oo si kooban ula hadlay wasiirradii iyo saraakiishii kulanka goobjoogga ka ahaa.

Sidoo kale, duqa Muqdisho ayaa sheegay in maamulkiisu uu dadaal weyn ugu jirto sidii looga dhigi lahaa Muqdisho goob ammaan ah oo falalka ka dhacaya hadda ka nabad-gasha.

Wasiirrada, taliyeyaasha iyo saraakiisha kulanka ka qaybgalay ayaa soo dhaweeyay qorshaha ammaanka Muqdisho lagu sugayo, iyagoo xusay inay xukuumadda hor-dhigi doonaan si ay fikir ugu bixiyaan una meel-mariyaan.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa qorshaha xasilinta caasimadda si rasmi ah ugu wareejiyay wasiirka amniga qaranka Jeneraal Maxamed Sheekh Cusmaan, iyadoo maalmaha soo socda la filayo in la horgeeyo golaha wasiirada si ay u meel mariyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya