4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 31, 2014
Madaxda Gobolka Bay oo Aragtiyo kala Duwan ka Bixiyay Xil ka-qaadistoodii


Khamiis, July 31, 2014 (HOL) — Magaalada Baydhabo ay ka jirtay xiisad ka dhalatay xil ka-qaadistii mas’uuliyiinta gobolka iyo degmada ayaa waxaa ka dhacay maanta shir ay yeesheen xubnihii maamulka ee xilka laga qaaday.

Kulanka kaddib ayaa waxaa shir jaraa’id qabtay, gudodomiyaha gobalka Bay, Cabdi Aadan Hoosoow  oo sheegay inaysan xaq u lahayn odayaasha-dhaqanka inay xil ka-qaadaan, isagoo xusay in odayaasha waa soo jeedin karaan ee nagama qaadi karaan xilka.

“Odayaashu waa kuwo hor-taagan in lala dagaalamo kooxda Al-shabaab,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bay oo shirka jaraa’id ka hadlayay, isagoo intaas ku daray inaysan sharci ahayn xil ka qaadistii odayaasha ay shalay ku sameeyeen.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay taliyaha qaybta gobolka Bay, Mahad Cabdiraxmaan iyo guddoomiyaha Baydhabo, Xasan Macallin (Biikole) oo labaduba sheegay in go’aankii odayaasha dhaqanka aysan waxba ka jirin.

Waxaa shirka jaraa’id ka hadlay 21-xubnood oo ka tirsan guddiga degmada iyo kan gobal, qaybo ka mid ah waxay ayideen go'aankii xilka looga qaaday mas’uuliyiinta gobolka iyo degmada.

Xoghayaha dowladda hoose ee gobolka Bay, Axmed maadey oo oo toobta ka hadlay ayaa taageeray xilka qaadista ay ku dhawaaqeen golaha guurtida ay ku sameeyeen guddoomiyaha Bay iyo kan degmada Baydhabo.

Gabagabadii waxaa shirka jaraa’id ka hadlay, Cusmaan Maxamed Macallin oo ah guddoomiye ku xigeenka gobalka, isagoo sheegey inay odayaashu ku saxan yihiin xilka-qaadistooda, wuxuuna daliil ka dhigtay inay jirto hanti la lunsaday.

Ugu dambeyn, Cismaan wuxuu sheegay in shacabka uu ka dalbanayo inay cafiyaan ama maxkamad saaraan, maadaama ay ku takri-faleen hantidii ay ahayd in shacabka wax looga qabto.

Kala fikir-duwanaashaha madaxda maamulka gobolka gobolka iyo degmada ayaa muujinaysa in xaaladdu ay cirka isku sii shareerayso, iyadoo aysan weli wax hadal ah kasoo saarin dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Hiiraan Online, Baydhabo